7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 26, 2022
Dib u dhac ku yimid doorasho Maanta ka dhici laheyd Magaalada Baledweyne iyo sababta oo la ogaaday

Sabti, Febraayo, 26, 2022 (HOL) - Waxaa dib u dhac uu ku yimid doorashada lix kursi oo mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta oo Sabti ah lagu waday in magaalada Baledweyne ay ka qabsoonto.

Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay Xalay waxay ku sheegeen in doorashadii Maanta la qaban lahaa uu dib u dhac ku yimid sababo la xariira arrimo farsamo awgood.

Kuraasta doorashadooda Maanta la qaban lahaa ee dib u dhaca ku yimid ayaa kala HOP 006, HOP 022, HOP 003, HOP 032, HOP 252, HOP 068.

"Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) waxa uu ku wargalinaya dhamaan umadda Somaaliyeed iyo Murashixiinta in uu dib u dhac ku yimid qabsoomida doorashadii loo madlanaa in maanta qabto Sababo Farsamo awgeed" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabeelle.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in doorashada 6-da kursi ay qaban doonaan maalinta berito oo Axad ah, waxaana warar hoose oo ay heshay Shabakadda HOL ay sheegayaan in doorashada ay u baaqatay khilaaf soo kala dhexgalay madaxda sare ee Hirshabeelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo ka horyimid doorashada Maanta Baledweyne ka dhici laheyd.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka amar qaata guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xirtay mid ka mid ah hoolalka lagu qabto doorashada ka socota magaalada Baledweyne, waxaana la sheegay in guddoomiyaha uu ka carooday inuusan wax door ah ku laheyn doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee ka socota Baledweyne, islmarkaana waxii dhaqaalo ah ay ku dhacayaan madaxweyne Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Xerada Lamagalaay oo ah goobta ay ka socoto doorashada kuraasta taala magaalada Baledweyne ayaa waxaa ku wada sugan ciidamo farabadan oo kala taabacsan masuuliyiin kala duwan waxaana ilaa xalay xerada laga daremay culeyso amni oo sababi kara isku dhacyo dhexmari kara ciidamada kala duwan ee halkaasi kuwada sugan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online