7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 26, 2022
Guddoomiyaha ONLF " Dowlad degaanku isagaa sharci darrada wada, ee ma aha Xisbiyada mucaaradka waxa dhibka wada"
 

Sabti, Febraayo, 26, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxmaan maadey oo waraysi siiyay BBC-da, ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degaanka Soomaalidu ku sugan yahay, iyo waliba sida uu yahay xiriirka iyaga iyo dowlad degaanka Soomaalida ka dhaxeeya.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay jiraan mucaarad ku kacsan xukuumadda ka jirta dowlad degaanka Soomaalida, oo uu sheegay in ka ONLF ahaan ay soo dhawaynayaan mucaaradkaas, maadaama xukuumadduba ay soo dhawaynayso mucaaradka kasoo horjeeda ONLF, arrintana ay bilaabeen markii xukuumaddu ay bilowday inay xirxirto dadkii kasoo horjeestay, waa siduu hadalka u dhigay guddooniyuhu.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadku xaq u leeyihiin inay is abaabulaan, oo aysan jirin cid diidi karta, wuxuuna yiri isagoo taa ka hadlaya " Shacabka Soomaaliyeed xaq bay u leeyihiin inay is abaabulaan, dastuurka Itoobiya ayaa qoraya in dadku ay is abaabuli karaan oo ay ururo samaysan karaan cid diidaysa maleh, laakiin nidaamka cadaadiska haddii lasoo celiyo dhibku wuu dhacayaa, dowlad degaankuna isagaa sharci darrada wada ee ma ahan ururada mucaaradka".

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu sheegay in ka xisbi mucaarad ahaan ay u taagan yihiin inay sheegaan khaladaadka dowladda, oo ay dowladda u tilmaamaan waxay ku khaldan tahay.

Waxa kale oo uu sheegay in heshiiskii ay dowladda la galeen ay burisay dowladdu, maadaama ayuu yiri aysan dowladdu kasoo bixin qoddobadii lagu heshiiyay, wuxuuna yiri guddoomiyuhu isagoo taa ka hadlaya " Waxay ahayd in guddi wada jir ah la dhiso oo kawada hadla wixii dagaalka keenay, in magdhaw lasiiyo dadkii uu dhibku soo gaaray, in dib u dejin loo sameeyo ciidankii ururka, wixii kulli dowladdu iyadaa ka baxday".

Intaa kaddib waxa uu sheegay guddoomiyuhu in markii ay dhinac kasta kala hadleen dowladda oo ay wax natiijo ah waayeen, ay usoo baxday inay labo mid un yeelaan, inay dagaalkii dib u billaabaan iyo inay la sugaan intuu wakhtigu iska baddalayo, ee ay imaanayaan dad macquul ah, waa siduu hadalka u dhigay gudoomiyaha ONLF.

" Annagoo dadkaayaga u danaynayna ayaan niri, bal horta aan Nabadda ku mintidno" wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay in dadkan muddo dheer lasoo laynayay oo dowladihii xukunka Itoobiya isooga kala dambeeyay ay shacabka dowlad degaanka Soomaalida soo lanayeen, kuwa hadda joogana ay xabsi ku gurayaan, waa siduu hadalka u dhigay guddoomiyaha ONLF Cabdiraxmaan maadey.

Hadallada guddoomiyaha ONLF Cabdiraxmaan maadey ayaa kusoo hagaagaya, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ONLF iyo xisbiyo kale oo mucaarad ah ay kulamo uga socdeen magaalada Nayrobi.

Dowladda ayaa iyadu inbadan waxay sheegtaa in degaankii iyo dalkiiba maadaama nabad yihiin inay mucaaradku iyagoo nabadda ilaalinaya ay si xor ah ugu shiri karaan gudaha dalka Itoobiya iyo dowlad degaanka Soomaalida, balse mucaaradka ayaa wali taasi ka degi la'dahay.

ONLF iyo xisbiyo kale oo mucaarad ah ayaa degaanka Soomaalida si xor ah uga dhaqdhaqaaqa, isla markaana xafiisyo kuleh inta badan dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo sidoo kale ay xisbiyadaasi xafiisyo ku leeyihiin magaalooyinka Diridhabe iyo Addis Ababa.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]