7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 26, 2022
Maraykanka oo sheegay inuu xannibaad kusoo rogayo masuuliyiinta Soomaaliya ee ku lugta leh dib u dhaca doorashada
 

Sabti, Febraayo, 26, 2022 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ku soo rogayso xannibaado ka dhan ah fiisaha tiro ka mid ah mas'uuliyiinta Soomaaliyeed iyo shakhsiyaadka kale ee ku lugta leh dib u dhaca ku yimid doorashada.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in dib u dhaca  gabagabada doorashada Soomaaliya ay horseedayso xasilooni darro siyaasadeed oo khatar ku ah guulaha laga gaaray amniga, iyo horumarka dhaqaalaha.

" Ka dib markii lagu guul daraystay in doorashada la qabto waqtigii ay ku beegnayd 25-ka bishan February, si loo dhamaystiro doorashada golaha wakiilada, ayaa dowladda Maraykanka waxay masuuliyiinta ku lug leh kusoo rogaysaa xannibaad ka dhan ah fiisaha siyaasadeed," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Maraykanka waxa uu ku baaqay in si degdeg ah loosoo gabagabeeyo doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha si hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay qiimeyn doonto tallaabooyin dheeraad ah si kor loogu qaado isla xisaabtanka iyo  taageerada geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online