7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 26, 2022
Maraykanka iyo xulufadiisa oo Ukraine ugu deeqaya saanad ciidan oo u dhiganta malaayiin dollar
 

Sabti, Febraayo, 26, 2022 (HOL) - Dowlada Maraykanka, ayaa taageero millateri oo u dhiganta $350 milyan oo dollar ugu deeqaysa dowlada Ukraine, si ay iskaga difaacdo duulaanka Ruushka, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.

Xogeeyaha Arrimaha Dibadda ee dowlada Maraykanka Antony Blinken, ayaa ogolaansho uu ka helay madaxweyne Biden ku meel marinaya deeqdan ciidan.

Deeqdan ayaa timid kadib markii ku dhawaad 30 waddan oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Ingiriiska, ay ku heshiiyeen in dowlada Ukraine laga caawiyo dagaalka ay kula jirto Ruushka. Sida ay ku warrantay SKYNews dhamaan waddamadan ayaa ogolaaday in ay bixiyaan taageero millateri.

Netherlands ayaa balan qaaday in ay bixinayso 200 oo ah gantaalada difaaca cirka ee garabka lagu qaado, sidookale, SKYNews ayaa sheegtay in deeqdaha hubka ah ay ku jiraan nidaamka difaaca hawada iyo gantaalada difaaca taangiyada.

Waddamo badan oo markii hore kasoo horjeeday in Ukraine hub lasiiyo, ayaa imika diyaar la ah kadib markii uu Ruushku weeraray Ukraine, madaxweynaha Ukraine, ayaa isagu tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay reer galbeedka ka codsanayay in ay caawiyaan.

Dagaalka uu Ruushku kula jiro xukuumada Ukraine, ayaa sii kululaaday iyadoo ay ciidamada Ruushku ay doonayaan in ay xoog ku qabsadaan magaalada Kiev iyo magaalooyinka kale ee waa wayn, dagaal soconaya maalintii saddexaad oo xidhiidh ah.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]