7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 26, 2022
Dowlad degaanka Soomaalida oo sheegtay in guddi dabagal ah ay u dirayso goobihii loo diray deeqaha gurmadka abaaraha
 

Sabti, Febraayo, 26, 2022 (HOL) - Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay in guddi dabagal ah loo dirayo degmooyinkii la gaarsiiyay deeqihii raashinka iyo biyo dhaaminta ee loogu talo galay dadkii ay abaaruhu saameeyeen.

Guddigan ayaa siday dowladdu sheegtay waxay daba gal ku samaynayaan goobihii loo kala diray raashinkii deeqda ahaa ee loogu talo galay dadkii ay abaartu saamaysay, iyo waliba biyo dhaamintii loo sameeyay dadkaas, iyagoo eegaya in sidii loogu talagalay loogu qaybiyay dadkii ay abaartu saamaysay.

Sidoo kale waxay guddigani ka tallaabo qaadi doonaan ciddii lagu helo inuu musuqay ama isdaba mariyay raashinkii iyo biyihii loogu talagalay dadkaas ay abaaruhu saameeyeen, sida uu Warbaahinta dowladda u sheegay Cabdirisaaq Sayid, Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Madaxweyneha ee dowlad degaanka Soomaalida.

Waxayna arrinta guddiggani kusoo hagaagaysaa iyadoo Mucaaradka dowlad degaanka Soomaalidu ay dowladda ku dhaliilaan inay dowladdu ka gaabisay hawlaha gurmadka abaaraha, isla markaana la musuqay deeqihii kala duwanaa ee dadkaas abaartu saamaysay loogu talo galay.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]