7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 26, 2022
Gaashaan buurta NATO oo u diyaar garoobaysa in ay Ruushka iska difaacdo
 

Sabti, Febraayo, 26, 2022 (HOL) - Shir ay madaxda gaashaan buurta NATO galinkii danbe ee Jimcaha ku yeesheen magaalada Brussels, ayay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan Ruushka, iyagoo ciidamo ku daad guraynaya waddamada xulufada ka tirsan ee Ruushka jaarka la ah.

Xogeeyaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay in ay ciidamada noocyadooda kala duwan ay ku daad guraynayaan, waddamada jaarka la ah Ruushka ee ka tirsan NATO, kuwaasi oo laga yaabo in uu Ruushku weeraro.

"Shalay xulufada NATO waxay cusboonaysiiyeen hanaanka difaaca, sida darteedna waxaanu ciidamada NATO ku daad guraynaynaa dhulka, hawada iyo cirka...Maraykanka, Canada iyo xulufada reer Yurub waxay kumanaan ciidan oo dheeraad ah ku daad gureeyeen qaybta bari ee xulufada" ayuu yidhi Stoltenberg.

Waxa uu sheegay in la difaaci doono dhamaan waddamada  xubnaha ka ah gashaaan buurta, waxkasta oo ay ku kacayso.

"Waxaanu haysanaa in ka badan 100 diyaaradood, oo ka howlgalaya 30 goobood oo kala duwan iyo in ka badan 120 markab, yanay jirin in si qaldan wax loo xisaabsado, waanu samaynaynaa waxkasta oo aynagu qaadato si aanu u ilaalino xulufada" ayuu yidhi Stoltenberg.

Ruushka ayaa hada dagaal kula jira dowada Ukraine, sababo la xidhiidha in Ukraine ay rabtay in ay ku biirto NATO, sidookalena Ruushka ayaa u hanjabay dowlada Finland oo qorshaynaysa in ay ku biirto NATO.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]