7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 26, 2022
Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqday $25 million oo wax looga qabanayo abaaraha Soomaaliya

Sabti, Febraayo, 26, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa malaayiin dollar ku bxinaysa gargaarka Soomaaliya si loo baajiyo abaarta iyadoo kumanaan qoys ay ku barakaceen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Mr Adam Abdelmoula, Isuduwaha Gargaarka Bani'aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa todobaadkan ku dhawaaqay in Qaramada Midoobay ay sii daysay 25 milyan oo dollar si ay gargaar degdeg ah ugu fidiso bulshooyinka ay abaaruhu ku dhufteen ee Soomaaliya.

Isku duwaha ayaa sheegay in lacag kaash ah oo ka timid Sanduuqa Gargaarka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya (SHF) lagu gaarsiin doono gargaar cunto iyo biyo ah deegaanada fogfog ee Jubbaland iyo Puntland.

Sida war-murtiyeedka lagu sheegay, qoondayntan ayaa kaabaysa 17 milyan oo doollar oo dhawaan laga keenay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF) si loogu daboolo baahiyaha degdegga ah ee bulshooyinka ay abaaruhu saameeyeen.

"Lacag loogu talagalay waxqabadyada jawaabta abaaraha, oo uu ku jiro Qorshaha Waxqabadka Bani'aadamnimada ee 2022, ayaa muhiim u ah ka hortagga dhibaatooyin kale iyo badbaadinta nolosha," ayuu ku yiri hadal uu soo saaray Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ka badan 4.3 milyan oo qof ay u baahan yihiin cunto iyo biyo, iyadoo in ka badan 500,000 ay ku barakaceen masiibada abaaraha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online