7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 26, 2022
Ruushka oo ku hanjabay in uu weerarayo Finland
 

Sabti, Febraayo, 26, 2022 (HOL) - Wasaarada Arrimaha Dibbada ee Ruushka, oo u jawaabtay xildhibaan reer Finland ah, oo sheegay in waddankiisu diyaar u yahay in uu NATO ku biiro si uu u nabadgalo, ayaa sheegtay in hadii Finland ku biirto NATO, ay la kulmi doonto cawaaqib millateri.

Qoraalka loogu jawaabay xildhibaanka ayaa lagu sheegay in Ruushku uu aaminsanyahay, in siyaasada gooni u socodka ah ee Finland, ay muhiim u tahay nabad galyada Yurubta waqooyi.

"Waxaanu aaminsanahay in siyaasada dowlada Finland ee ku salaysan in aanay cidna xulufaysan cidna ka hor iman, ay tahay qodob muhiim u ah, nabada iyo xasiloonida waqooyiga Yurub".

Qoraalka ayaa loogaga digay dowlada Finland in ay ku biirto gaashaan buurta NATO, iyadoo lagu sheegay in ay talaabadaasi dhalin doonto cawaaqib millari iyo siyaasadeed.

"Kubiiritaanka Finland ee NATO, waxuu yeelan doona, cawaaqib millateri iyo siyaasadeed oo aan la mahadin".

Ruushka ayaa walaac badan ka qaba sii balaadhashada gaashaan buurta reer galbeedka,  isagoo samaynaya waxkasta oo suuragal ah si uu wadamada ku dhow dhow uga joojiyo in ay NATO ku biiraan, waxaana ugu danbeeyay dalka Ukraine oo uu arrintaa darteed dagaal ugu qaaday.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online