7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 18, 2021
Rag doonayay in ay is qarxiyaan oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

 

Talaado, May, 18, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Booliisku ka hortageen rag doonayay in ay is qarxiyaan, kuwaa oo la sheegay in dhamaantood la toogtay.

Ragga oo la socday mooto Bajaaj ayaa la sheegay in ay ka warheleen ciidamada Booliiska Galmudug oo toogtay saddex ruux oo saarnaa mootada, hasse ahaatee waxaa la maqlay qarax aad u weyn oo ka dhacay gudaha mootada oo la sheegay in uu ahaa walxaha qarxa oo ay wateen raggan.

“3 naftood-halige, oo qaraxsiday ayaa  qorsheeynayay in ay is qarxiyaan, ayeey ka hortageen Ciidanka Boliiska Magaalada Gaalkacyo, Xaafada Wadajir agagaarka Hotel AMBAS dhanka Galmudug, Argagaixisada oo dhamaan goobta lagu dilay” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka booliska

Ilaa iyo hadda ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo ay bixiyeen laamaha Amniga Galmudug oo la xiriira dilka ragga la sheegay in ay siteen walxaha .

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]