7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 18, 2021
Dowladda Zambia oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya
 

Talaado, May, 18, 2021 (HOL) - In ka badan 100 saraakiil booliis ah oo ka socda Zambia ayaa la filayaa inay yimaadaan caasimada Soomaaliya si ay ugu adeegaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.

Diblomaasi u dhashay Zambia ayaa xaqiijiyay warkaan.

Xaflad lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa Safiirka Zambia u fadhiya Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika, Emmanuel Mwamba iyo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda, ee guddiga Nabadda iyo Amniga, Bankole Adeoye waxay ku kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU).

Safiirka Zambia, Mwamba wuxuu sheegay in saxiixa isfahamka MoU uu kordhin doono tirada booliska Zambia ee loo qoondeeyay inay u dirto AMISOM, taasoo u dhaxeyndoonta 38 ilaa 160.

Danjire Adeoye ayaa sheegay in Zambia ay sidoo kale ka caawisay dalal badan oo Afrikaan ah howlaha nabadeynta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online