7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 18, 2021
Dowladda Soomaaliya oo guddi u saartay baarista dilka Askari ka tirsanaa ciidanka dowladda

 

Talaado, May, 18, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa guddi heer Wasiirro iyo Saraakiil isugu jira u saaray dilka askari ka tirsanaa ciidanka dowladda oo meydkiisa la helay.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa baarista kiiskan u magacaabay guddi ay ka mid yihiin  Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Alcadaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud  Qaroole.

Guddiga ayaa laga sugayaa in ay baaraan dilka askariga oo meydkiisa laga helay goob khashinka , waxaana ay eheladiisa sheegeen in ay ka hor inta aan meydkiisa la helin ay la'aayeen.

Waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa askartii ku biirtay ciidankii badbaado Qaran xiligii ay socdeen qalalaasihii siyaasadeed ee ka dhashay muddo korarsigii labada sano ee dowladda..

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]