7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 18, 2021
Shacabka Somaliland oo u debbaal dagaya 30 guurada kasoo wareegtay markii Somaliland lagu dhawaaqay
 

Talaado, May, 18, 2021 (HOL)- Shacabka Somaliland, ayaa u debbaal dagaya sanad guurada 30aad ee kasoo wareegtay markii magaalada Burco lagaga dhawaaqay in goboladii waqooyi (Somaliland) ay gaar iskaga taagaan Jamhuuriyadii Soomaalida.

Kumanaan shacab dhalinyaro u badan oo lulaya calanka ka kooban 3 da midab ee casaanka, akhtarka iyo caddanka ee tawxiidku ku xardhanyahay, ayaa cadceed dhiciiba iskugu soo baxay faras magaalaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Dhalinyaro ka lulata baabuur lagu xardhay calanka Somaliland, ayaa suuqyada hadba dhinac u wareegaya, kuwaasi oo qaarkood anay seexan habeenkii oodhan, iyadoo cadceed soobixiina ay dabbaal dagyadu sii balaadheen.

Heesaha tilmaamaya gooni isutaaga Somaliland, ayaa kabaxaya baabuurta, meheradaha ganacsiga iyo fagaarayasha magaalooyinka waa wayn.

Sanadka 18 May looma xusin sidi looga bartay sanadihii hore, manay jirin fantastiyo waawayn oo ay dowladu qaban qaabisay saamaynta caabuqa Covid-19 iyo abaaro jiray wakhtigii qaban qaabada la samayn lahaa awgood.

Waxa jira xaflado ka soconaya qaar kamida huteelada waawayn ee caasimada Hargaysa iyo caasimadaha gobolada Somaliland, waxana jiri doona xaflad lagu qaban doono madaxtooyada Somaliland sida uu sheegay duqa Hargaysa Cabdiraxman Caydiid Soltelko.

Debbaal-daga 18 May ee maanta ayaa ku taariikhaysan 30 sano ka hor 18 May 1991 markii ay waxgaradka iyo beelaha dega Somaliland isku raaceen in ay soo celiyaan Somaliland tii 1960 la midowday Soomaaliyadii koonfureed, isla markaana dhistaan maamul ka madax-bannaan Jamhuuriyadii Soomaalida.

Go’aanka ay gooni isutaaga ku qaateen shacbigii ku dhaqnaa goboladii waqooyi (Somaliland ta maanta), ayaa yimid kadib dagaal aan waxba layskula hadhin oo muddo sanado ah ka dhex socday uruurkii SNM iyo dowladii Kacaanka.

Dagaalka ayaa sabababay geerida kumanaan rayid ah, iyadoo diyaaradihii dowladii kacaanku ay dhulka la simeen magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.

Dagaal daba dheeraaday kadibna waxa gacanta sare yeelatay jabhadii dhaq dhaqaadha xoraynata Soomaaliyeed ee SNM sidana waxa goboladii waqooyi lagaga saaray ciidamadii dowladii kacaanka.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online