7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 18, 2021
Madaxweyne oo qoray maqaal uu ugu magac daray, Ha igu Eedeyn Dib udhaca Doorashooyinka Soomaaliya
 

Talaado, May, 18, 2021 (HOL) - Wargeyska afka dheer ee Foreign Policy ayaa daabacay maqaal dheer oo madaxweyne Farmaajo uu qoray, isagoo kaga hadlayay guulihii iyo caqabadihii dowladdiisa ay soo martay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qeybaha dhexe ee maqaalkiisa ku waxa uu sheegay in ay ka go'an tahay in kala-guurka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya uu noqon doono mid ay Soomaalidu hoggaamin doonto.

Wuxuuna hadalkiisaan kusoo beegmay xilli dowladdu ay diiday ergay midowga Afrika usoo magacaabay inuu dhex dhexaadiyo ka noqdo arrimaha doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhamaadka bishan lagu laabandoono miiska wadahadalka si loo dhameystiro heshiiska lagu hirgalinayo doorashooyinka dadban.

Waxa uu sheegay in hawshaas uu hogaamindoono Ra'iisul Wasaare Rooble, lana hubin doono wada-hadalkaas inuu noqdo mid loo wada dhan yahay dhabbahana u xaaro sida ugu macquulsana ay ku dhici karto doorashada dadban.

Madaxweyne farmaajo wuxuu sheegay qaar badan oo ka mid ah caqabadaha haray in ay ka yimaadeen dalabyada ku saleysan aqoonsiga qabiilka. Taasoo uu sheegay in ay u adeegayn danaha dimuqraadi ah ama kuwa horumarineed ee dadka Soomaaliyeed muddada fog.

“Marwalba waxaa iga go'an in aan shacabka Soomaaliya geeyo wadnaha dimoqraadiyadooda oo ah codeyn guud. Tani waa waxa ay Soomaali leedahay dhab ahaan,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, maqaalka madaxweyne Farmaajo oo dhinacyo badan taabanayay ayuu ugu magac daray," Ha igu Eedeyn Dib udhaca Doorashooyinka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online