7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 18, 2021
Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo Hirshabeelle oo ku baxay dagaal beeleedka Baledweyne
 

Talaado, May, 18, 2021 (HOL) - Wafdigaan oo isugu jiro wasiiro, Xildhibaano, ka kala tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ayaa maanta gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigaan ayaa u yimid magaalada Baledweyne sidii aay uga qeyb qaadan lahayeen joojinta iyo xal u helida dagaal beeleed maalmahii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ku yaala duuleedka Galbeed ee magaalada Baledweyne.

Wafdiga maanta gaaray Baledweyne waxaa ka mid aha wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Cabdifataax Qaasim, wasiiru dowlaha wasaaradda Cadaaladda Yuusuf Xuseen Axmed, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamaanka Hirshabeelle Siraaji iyo waliba Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle.

Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay sidii xal loogu heli lahaa dagaal beeleedka ka socda duleedka Baledweyne, isla mar ahaantaana dib u heshiisiin loogu sameeyn lahaa labada Maleeshiyo Beeleed.

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada aay dirirtu u dhaxeyso iney joojiyaan dagaalka oo aay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka si loo dhameeyo waxii tabasho ah.

Wafdiga labda dhinac ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ka kala socda ayaa lagu wadaa iney gaaraan saacadaha soo socda goobaha aay ku dagaalamayaan labada Maleeshiyo beeleed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]