7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 18, 2021
Laascaanood : 30 guuradii Somaliland xaflad lagu weyneynayo oo lagu qabtay magaalada Laascaanood


Talaado, May, 18, 2021 (HOL) - Munaasibad lagu maamuusayo 30 sano ka dib markii Somaliland ku dhawaaqday inay dib uga go'day Soomaaliya ayaa lagu qabtay Hotel Xamdi oo ku yaal bariga magaalada Laascaanood.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta heer Gobol, Degmo, waxgarad iyo qaybaha bulshada ee kala duwan, waxaana halkaa lagu soo bandhigay horumarka magaalada Laascaanood ku talaabsatay mudadii ay Somaliland gacanta ku haysey.

Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku dheeraaday amaanka iyo kala danbaynta ka jirta gobolka sida uu hadalkiisa u dhigay gaar ahaan magaalada Laascaanood, waxaanu rajeeyey in horumar ka balaadhan in lagu sii talaabsan doono.

"Magaalada Laascaanood siday ahayd iyo maanta heerka ay marayso uma baahna markhaati" sidaa waxaa yidhi Duqa degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Xasan oo faahfaahin dheer ka bixiyey talaabooyinka ay ku guulaysteen golaha degaanka ee degmada.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Cuqaal iyo waxgarad oo dhamaantood amaan u soo jeediyey Somaliland kana maragkacay waqbadka ka muuqda magaalada Laascaanood.

Si kastaba ha ahaatee waa sanadkii ugu amniga badnaa maanta oo kale iyadoo badanaa uu iskudhac ka dhex dhici jirey dhalinyarada magaalada qaarkood iyo booliska taas oo ay sabab u noqoto iyadoo maantoo kale ay u astaysteen maalinta nadaafada.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood