7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 18, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo fariin hambalyo ah u diray shacabka Somaliland munaasibada 18 May
 

Talaado, May, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland ugu hambalyeeyay sanad guurada 30aad ee kaso wareegtay markii Somaliland Burco lagaga dhawaaqay sanadkii 1991.

Warsaxafadeed kasoo baxday madaxtooyada ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha J. Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacbiga Somaliland ugu hambalyaynayaa 30 guurada madax-bannaanida J. Somaliland ee 18 May, oo ah markii aynu lasoo noqonay madax-bannaanidii inaga luntay 1960”.

Madaxweynaha ayaa si gaara hambalyo ugu diray ciidamada qalabka sida ee Somaliland.

“Madaxweynaha Somaliland oo la dareen ah shacbigiisa, waxa uu hambalyo u dirayaa ciidammada qalabka sida ee Alle ka sakow suuragaliyay in qarankani 30 jirsado” ayaa lagu yidhi warsaxafadeeda.

Sanad guurada 30aad ayaa ah markii waxgaradka Somaliland iskugu yimaadeen Burco 18 May, 1991 ee ay go’aamiyeen in J. Somaliland gaar iskaga taagto wixi laysku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaalida, ayaa lagu yidhi warmurtiyeedka.

Warsaxafadeedka ayaa intaa ku dartay in halgan dheer oo naf iyo maal badani ku baaba’een ka dib ay maanta Somaliland ku naaloonayso horumar, nabadgalyo iyo barwaaqo cago adag ku taagan.

Waxa kale oo warmurtiyeedka lagu yidhi “waxa inoo suurto gashay in aynu u debbaal-degno soddonkaa sanno ka dib midhihii aynu beeranay, iyadoo ay inoo hirgaleen wax badan oo aan ka dhicin Geeska Afrika iyo caalamka intiisa badan”.

Munaasibada 18 May ayaa ku taariikhaysan 18 May 1991 markii waxgaradkii iyo beelahii ku dhaqana goboladii waqooyi ( Somaliland ta maanta) ay magaalada Burco ku go'aan sadeen in ay dhistaan maamul ka madax banaan Jahmuuriyadii Soomaalida.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]