7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 18, 2021
Kenya oo lagu eedeeyay in dawooyinka HIV/Aids ee loogu deeqo si qarsoodi ah ugu iib geeyso Soomaaliya iyo Suudaan
 

Talaado, May, 18, 2021 (HOL) - Hay’adda USAID ayaa sheegtay inaysan wax ganacsi ah la sameyn doonin Hay'adda Qalabka Caafimaadka ee Kenya.

USAID ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dawooyinka ARV ee loo isticmaalo cudurka HIV/AIDs oo Kenya loogu deeqay laga helay Koonfurta Suudaan, Soomaaliya iyo isbitaallada gaarka loo leeyahay.

Go'aankan ayaa lala socodsiiyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta kadib markuu la kulmay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken 27-kii Abriil, kadibna Uhuru wuxuu kala diray guddiga Kemsa labo maalmood kadib.

"Go'aankaan waxaa laga soo gaarsiiyay heerka ugu sareeya Washington DC sidaa darteed xitaa markii la kala diray guddiga Kemsa tani ma caawin doonto," ayuu yiri sarkaalka.

Kulan uu khadka tooska ah kula yeeshay bulshada rayidka ah ee Kenya talaadadii, ku simaha safiirka Mareykanka Eric Kneedler ayaa xaqiijiyay dawooyinka ARV ee haray aan loo sii deyn doonin Kemsa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online