4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2019
Jigjiga '' Dhismaha Darbiga dhul weyn oo laga dhisayo Masaajid iyo Mac'had diini ah oo la dhameystiray


Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Maanta oo Isniin ah ayaa la dhammaystiray darbiga wayn ee loo dhisay dhul loogu tala-galay in laga dhiso Masaajid iyo Mac'had diini ah. dhulkan ayaa ku yaal gudaha Kililka.

Haddaba Sheekh Axmed Aabi Mataan oo ah Guddoomiyaha  Golaha sare ee Arrimaha Islaamka ayaa Warbaahinta u sheegay in kharashka  darbigan lagu dhisay ay bixiyeen shacabka magaalada Jigjiga.

Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in haddii Ilaahay yidhaahdo uu ku xigi doono dhismaha Masaajidkii iyo Mac'hadkii oo noqon doona meel dad badan ay ka faa'iidaysan doonaan.

Goobtan laga dhisi rabo Masaajidka iyo Mac'hadka diiniga oo ahayd dhul dawladeed ayaa horey waxaa si gaàr ah gacanta ugu hayay  Madaxwaynihii hore ee degaanka Cabdi Iley taas oo beero ahayd.

Shacabka degaanka Soomaalida ayaa mar walba gacan ka gaysta dhismayaasha goobaha loogu tala galay Masaajidda iyo Mac'hadyada diiniga ah ee dadka loogu faa'iidaynayo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]