4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2019
Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee xisbiga WADDANI oo xilkii iyo xisbigiiba iska casishay

 

Isniin, Octobar 14, 2019  (HOL )–Xoghayihii arrimaha dibadda ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Faadumo Siciid ayaa maanta iska casishay xilkii iyo xubinimadii xisbiga ay ka haysay.

Faadumo Siciid ayaa sheegtay in si iskeed ah uga tagtay xisbigii ay ka tirsanayd, islamarkaana ay door biday inay noqoto siyaasi madax banaan.

Marwo Faadumo ayaa sheegtay in siyaasadii Somaliland noqotay mid sidii la rabay ka hooseysa, isla markaana ay damiirkeedu siin waayey inay xisbiyada aanay waxba ka bedeli Karin sii dhex joogto.

“Markan arkay siday wax u jiraan iyo marxadalaha lagu jiro, ma jiraan mucaarad adag iyo muxaafad adag, waxaanay siyaasadii noqotay wax aan lagu milmi Karin, waxaana door biday inaan noqdo siyaasi madax banaan oo aragtidiisa ay madax banaan tahay”ayey tidhi Faadumo Siciid.

Faadumo Siciid ayaa ahayd haweenay aad ugu firfircoon arrimaha xisbiyada iyo bani’aadanimada, waxaanay aad u dhaliili jirtay xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga KULMIYE oo ay si weyn uga soo horjeeday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.