4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2019
Labo Sano ayaa ka wareegtay Qaraxii 14kii October 2017dii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho

 

Isniin, October, 14, 2019 (HOL)- Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku diyaarinayay saakay ka qeybgalka isku soo baxyo lagu maamuusayay Labo Sano kaddib dadkii ku dhintay Qaraxii 14kii October sanadkii 2017da ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid guud ahaanba caalamka ka fajiciyay ayaa dadka ku dhintay waxaa la qiyaasayaa in ay ka badan yihiin 700 oo ruux oo mar kaliya naftooda ku waayay weerar Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari weyn oo kuwa xamuulka qaad ah oo goobta ku qarxay kaddib markii uu ogaaday in ciidamo ku sugnaa Isgoyska meel aan ka fogeyn ka war-helleen in uu yahay gaari Qarax sida.

 

Dadweyne  fara badanayaa sidoo kale isu diyaarinaya saakay xuska  Qaraxii weynaa ee 14kii October ee sanadkii hore maanta oo kale ka  dhacey Isgoyska Soobe ee M/ Muqdisho.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey,waxaana xiran Maanta qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Inkastoo Isgoyska Zoobe uu hadda ka soo kabanayo burburkii xooggaan ee uu ku reebay Qaraxan Labo sano ka hor haddana Qoysas badan oo Somaaliyeed waxaa aysan wali ka bogsoon nabaradii uu ku reebay Qaraxan iyo dadkii ay jeclaayeen oo ay ku waayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]