4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2019
Wakiilka Qarramada Midoobey oo ka hadlay Sannad Guuradii 2aad ee ka soo wareegtay Qaraxii Zoobe

 

Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay Qarixii Maanta oo kale 14-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay dad badan ku dhinteen.

James Swan ayaa sheegay  in wali qalbiyadooda aysan ka go’in  oo ay xasuusan yihiin dadkii ku dhintay qaraxaas,isla markaana ay  xanuunka la qeyb-sanayaan dadkii eheladooda ay ku waxyeeloobeen.

“Dilka iyo dhaawac macno-darrada ah ee loo geystay Soomaali  farabadan ayaan weli ka go’in xasuusteena,waxaana dhibaatada la qeyb-saneynaa dadkii dhibaatada ka soo gaartay iyo qoysaskooda adkeysiga  iyo dhiiranaanta Soomaalida  kaddib weerarkaas iyo kuwo kale oo ay  geysteen Kooxaha xagjirka ayuu yiri” James Swan

Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Qarramada Midoobey ay Soomaaliya ku garab taagan tahay Go’aanka dadka Soomalaiyeed ee ah  xaqiijinta dhabbaha nabada iyo barwaaqada.

Hadalka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa ku soo aadaya xilli maanta magaalada Muqdisho laga xusayo laba sano kadib qarixii weynaa ee ka dhacay  Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]