4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2019
Xildhibaanno eedeyn u jeediyay madaxweynaha Puntland [ Warbixin iyo Muuqaal]

 

Isniin, October, 14, 2019 (HOL)- Xildhibaanno ka tirsan dowlad gobolleedka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni in uu ku fashilmay hoggaamintii maamulka.

Xildhibaannada ayaa sheegay in mudaddii Sagaalka Bilood aheyd oo uu xilka hayay dhamaanba tallaabooyinkii uu qaaday ahaayeen kuwo baalmarsan howlihii loo idmaday, islamarkaana uusan fulin balan  qaadyadii uu sameeyey xilligii lagu jiray doorashada. 

Maamulka sare ee Puntland ayeey sidoo kale ku eedeeyay in ay hormuud yihiin burburinta nidaamka Federaalka oo ay Soomaaliya qaadatay iyaga oo meesha ka saaray eedeymaha loo jeedinayo Dowladda Federaalka ee ah in ay ka soo horjeedo nidaamka Federaaliisam-ka.

Waxey sheegeen in maalmo ka hor ay deegaannada Puntland tageen  Wasiiro k atirsan Dowladda Federaalka,hayeeshee dhamaan go’aanadii ay ula  yimaadeen ee ahaa xalinta khilaafka dowladda iyo Puntland uu ka qaatay  go’aan kaligiis oo aan kala tashan Xildhibaannada iyo Odayaasha Dhaqanka  Puntland.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale cambaareeyay wax laga xumaadana ku tilmaamay xarig magaalada Boosaaso loogu geystay Siyaasi Muuse Cali Jaamac dhinaca kalana ka mid ah wax-garadka Puntland oo ka soo horjeestay islamarkaana dhaliilay kana soo horjeestay sida madaxweynuhu wax u maamulayo.

Xildhibaannada ayaa ugu danbeyntii sheegay in Baarlamaanka Puntland looga baahan yahay in uu arintan dood ka furmo ddibna loo eego sida ay hadalka  u dhigeen habka uu wax u maamulayo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo hadda ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]