4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2019
Ciidamada Amaanka Dhuusa-Mareeb oo toogasho ku dilay Nin hubeysnaa

 

Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Wararka laga helayo degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta maamul gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska degmada toogasho ku dileen shaqsi hubeysnaa oo isku dayay in uu gudaha u galo Saldhiga Boolis.

Saraakiisha Amaanka ayaa sheegaya in qofkan hubeysan la toogtay kaddib xili uu isku dayay in uu xoog ku galo saldhig ay ku sgnaayeen ciidamada, iyaga oo intaa ku daray in ka hor inta aysan toogan ciidamadu ku amreen in uu istaago laakiin uu ka diiday.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa uu ahaa Shaqsiga hubeysnaa ee isku dayey in uu galo Saldhiga Dhuusamareeb ee la toogtay,waxana saraakiil ka tirsan Boolis ay sheegeen in is rasaaseyntii dhacday aysan khasaaro dhinacooda kasoo gaarin.

Degmada Dhuusa-Mareeb ayaa isku diyaarineysa marti-galinta shirka maamul u sameynta Galmudug, iyadoo halkaa ay ku sugan yihiin ergo isaga kala  timid guud ahaanba qeybaha uu gobolku ka kooban yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]