14-ka
Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed, waa maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna.
Waa
maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal
muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen
kumannaan carruur ah.
Qof
kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee
ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku
bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in
aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna
Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay
dhibaateeyeen cadawgu.
Tan
iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee
lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan
argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida
burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada arxan
darrada ah, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay
cadawgu ku dhibaateeynayeen muwaadiniinteenna ku nool.
Ugu
dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii
innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo
dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada
ka baxsan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]