3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2019
Qays Saciid oo ku guuleystay doorashadii Tunisia

 

Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Aqoonyahanka diinta ku adag ee Qays Saciid, oo siyaasadda ku cusub, ayaa guul aad u weyn ka gaaray doorashadii kala baxa ahayd ee Tunisia, isaga oo ka adkaaday maal-qabeenka warbaahinta, Nabiil Quray, sida ay muujineyso natiijo horudhac ah.

Saciid, oo si madax banaan u tartamay ayaa helay ugu yaraan 72.5% codadka, sida ay muujineyso natiijada horudhaca ah ee ay sii daysay shirkadda Emrhod, wuxuuna 40 dhibcood kaga adkaaday Quray.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Tunis, si ay ugu dabaal degaan guusha Saciid, ayaga oo heesayey astaanta qaranka.

“Waa maalin taariikhi u ah Tunisia, Tunisa waxay guraneysaa mirihii kacdoonka,” waxaa sidaas yiri Boussairi Abidi oo ah 39 jir makaanik ah. “Qays Saciid wuxuu soo afjari doonaa musuq-maasuqa, wuxuuna noqon doonaa madaxweyne caddaalad ah.”

Natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo maanta.

Saciid ayaa uga mahad-celiyey da’yarta dalka “inay bog cusub fureen,” wuxuuna wacad ku maray inuu isku dayi doono inuu dhiso “Tunisia cusub”.

Qiyaastii 90% dadka da’doodu u dhaxeyso 18 illaaa 25 ayaa u codeeyey Saciid, sida ay muujisay ra’yi uruurin uu sameeyey machadka Sigma.

AFP

 













Click here
10/14/2019 3:53 PM EST
Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Agaasime goboleedka Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) xafiis goboleedkeeda Bariga iyo Geeska Afrika, Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto u fidinta taageerrada laga-maarmaanka ah ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dhowr dal oo Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyaga oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad daran oo nololeed.

10/14/2019 10:37 AM EST
Isniin, October, 14, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta u Dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in ay halkaa isugu soo baxeen Boqolaal dadweyne ah oo ka careysnaa howlgal ay sameeyeen ciidamada

10/14/2019 9:17 AM EST
Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Maanta oo Isniin ah ayaa la dhammaystiray darbiga wayn ee loo dhisay dhul loogu tala galay in laga dhiso Masaajid iyo Mac'had diini ah. dhulkan ayaa ku yaal gudaha Kililka.

10/14/2019 8:36 AM EST
Isniin, Octobar 14, 2019 (HOL )–Xoghayihii arrimaha dibadda ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Faadumo Siciid ayaa maanta iska casishay xilkii iyo xubinimadii xisbiga ay ka haysay.

10/14/2019 6:42 AM EST
Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo war ka soo saray Labo Sanno Guuradii ka soo wareegtay Qaraxii lagu hoobtay oo maanta oo kale 14kii October 201 ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay in uu ahaa mid xusuus gaar ah muddan.

10/14/2019 4:52 AM EST
Isniin, October, 14, 2019 (HOL)- Xildhibaanno ka tirsan dowlad gobolleedka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni in uu ku fashilmay hoggaamintii maamulka.

10/14/2019 2:54 AM EST
Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay Qarixii Maanta oo kale 14-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay dad badan ku dhinteen.

10/14/2019 1:54 AM EST
Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Wararka laga helayo degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta maamul gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska degmada toogasho ku dileen shaqsi hubeysnaa oo isku dayay in uu gudaha u galo Saldhiga Boolis.

10/14/2019 1:40 AM EST
Isniin, October, 14, 2019 (HOL)- Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku diyaarinayay saakay ka qeybgalka isku soo baxyo lagu maamuusayay Labo Sano kaddib dadkii ku dhintay Qaraxii 14kii October sanadkii 2017da ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

10/14/2019 1:29 AM EST
Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa war ka soo saaray dilkii magaalada Jowhar loogu geystay gudddoomiye ku-xigeenkii Amniga gobolka Shabeellaha dhexe iyo Wiil uu dhalay kaddib weerar Bambaano oo lagu qaaday guri uu ka deganaa magaalada.