Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Maanta oo Isniin ah ayaa la dhammaystiray darbiga wayn ee loo dhisay dhul loogu tala-galay in laga dhiso Masaajid iyo Mac'had diini ah. dhulkan ayaa ku yaal gudaha Kililka.
newsinsideHaddaba Sheekh Axmed Aabi Mataan oo ah Guddoomiyaha Golaha sare ee Arrimaha Islaamka ayaa Warbaahinta u sheegay in kharashka
darbigan lagu dhisay ay bixiyeen shacabka magaalada Jigjiga.
Sheekha
ayaa sidoo kale sheegay in haddii Ilaahay yidhaahdo uu ku xigi doono
dhismaha Masaajidkii iyo Mac'hadkii oo noqon doona meel dad badan ay ka
faa'iidaysan doonaan.
Goobtan
laga dhisi rabo Masaajidka iyo Mac'hadka diiniga oo ahayd dhul
dawladeed ayaa horey waxaa si gaàr ah gacanta ugu hayay Madaxwaynihii
hore ee degaanka Cabdi Iley taas oo beero ahayd.
Shacabka
degaanka Soomaalida ayaa mar walba gacan ka gaysta dhismayaasha goobaha
loogu tala galay Masaajidda iyo Mac'hadyada diiniga ah ee dadka loogu
faa'iidaynayo.






