Talaado, June, 11, 2019 (HOL) –Guddoomiyaha
cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo la hadlay Laanta Afka
Soomaaliga ee BBCda ayaa si kooban uga hadlay waxa uu kala socdo iska horimaad
uu ku dhintay taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macoow oo maanta ka
dhacay deegaanka Kala –Beyr ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu
socdo baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen, laakiin inta uu ka ogyahay
taliyaha uu ku dhintay weerar sida uu hadalka u dhigay ay qaadeen ciidamo ka
tirsan NISA iyo ciidamo ka amar qadanayay guddoomiyihii hore Yuusuf Axmed Hagar
oo ka hor yimid xil ka qaadista lagu
sameeyay.
Xaalada ayaa degan caawa waxaana
soconaya kulamo kala duwan oo ay wadaan wax-garad iyo odayaal dhaqameed doonaya
in xaalada la qaboojiyo.
Goobta iska hor-imaadka uu ka
dhacay ayaa waxay il-dhaqaale u tahay maamulka Hir-Shabeelle waxana lacago
canshuur ah looga qaadaa gaadiidka isaga gala goosha gobollada dhexe iyo
Itoobiya.
Wali kama uusan hadlin
guddoomiyihii hore Yuusuf Daba-geed eedeymaha loo jeedinayo ee ah in uu ku lug
lahaa iska horimaadkii maanta ka dhacay deegaanka Kala-Beyr.
Warar kale oo soo baxaya ayaa
sheegaya in maalinta berri ah la filayo in magaalada Beledweyne ay soo gaaraan
mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo dowladda federaalka si loo qaboojiyo
xiisada taagan.
Guud ahaan marka la eego
arrimahan soconaya ayaa salka ku haya xil ka qaadis uu madaxweynaha
Hir-ShabbeelleMaxamed Cabdi Waare Sabtidii toddobaadkan uu ku sameeyay guddoomiyihii
gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]