4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2019
Guddoomiye Muudey oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho


Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ,Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey  ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde lagu soo dhaweeyay.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo wasiirro ayaa si ballaaran ugu soo dhaweeyay guddoomiye ku-xigeenka magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweyntiisa lagu sheegay mid lagu taageerrayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Wuxuu sheegay isagoo warbaahinta kula hadlayay qeybta gaarka ah ee garoonka diyaaradaha inuu aad ugu faraxsan yahay soo laabashadiisa iyo soo dhoweynta diiran, waxaana uu xusay in dhowaan uu dib u furmi doono Kalfadhiga Baarlamaanka, lana ambaqaadi doono howlaha hor-yaala.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey  ayaa dib uga soo laabtay dalka Turkiga , wuxuuna imaan shiyihiisa Muqdisho ay ku soo aadday iyadoo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay warar sheegayay inuu socdo olole ka dhan ah oo la doonayo in mooshin looga keeno.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]