4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2019
Waxyaabaha muhiimka ah ee loo baahanyahay in laga oggaado socdaalkii Muqdisho ee wasiirka arrimaha dibadda Norway

Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibadda dalka Norway, Ine Marie Eriksen Søreide ayaa socdaal aan horey loo sii sheegin shalay ku timid caasimadda Muqdisho, halkaa oo ay kullamo kula qaadatay madax sare oo dowladda federaalka ka tirsan.

Haweeneyda oo waqti kooban ku sugneyd Muqdisho, ayaa la kullantay ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre - balse faahfaahin badan lagama bixin waxyaabihii kulanka looga hadlay iyada oo kaliya warbaahinta loo soo gudbiyay in xoojinta xiriirka iyo kordhinta taageerrada Norway ee Soomaaliya laga wada-hadlay.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Norway, Ine Marie Eriksen Søreide  ayaa ka hor inta aysan soo gaarin Muqdisho waxaa ay kullamo ku soo qaadatay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaa oo kulan gaar ah ay kula yeelatay wasiirka arrimaha dibadda Kenya,Monica Juma.

Sida ay ku warramayso warbaahinta maxalliga ah kullamada Muqdisho waxaa diiradda lagu saaray arrinta xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan muranka dhinaca Badda oo qeyb ahaan Norway ku lug leedahay, maaddaama shirkad laga leeyahay dalkeeda ay sahmin ku sameysay dhulka badda ee ay sheeganeyso Kenya, sidoo kale waxay muddo ku riixeysay Kenya dhulka badda ee la rumeysan yahay in shidaal ku jiro.

Balse, warka dambe ma uusan sheegin xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo si kooban uga hadlay booqashada wasiirka arrimaha dibadda Norway ee magaalada Muqdisho, balse kullamada Nairobi iyo Muqdisho ayaa u muuqda inay xukuumadda Norway ku dooneyso door ka weyn kii ay horay ugu laheyd Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la sheegay inay in muddo ah isha ku heysay arrimaha shidaalka Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]