Shirka waddamada geeska Afrika ee is-dhexgalka iyo ganacsiga oo lagu soo gabagabeeyay Addis Ababa
Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Waddamada geeska Afrika ayaa shir
uga soo gabagaboobay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya,
iyadoo shirka looga hadlay ganacsiga, is-dhexgalka iyo dib u dhiska
waddooyinka.
Dowladda Soomaaliya oo
xubin ka ah ururka waddamada geeska Afrika ayaa shirka waxaa uga
qeybgalay wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle Ducaale, waxaana uu
sheegay wasiirka in qodobbo muhiim ah ay kala soo laabatay Soomaaliya
shirka.
"Waxa laga wada-hadlay waa sidee wax u
wada-qabsan karnaa , waddan waliba muxuu keeni karaa ee uu ka dabooli
karaa baahiyaha faraha badan leh ee soo fodsaaray geeska Afrika ." ayuu
yiri wasiir Bayle oo la hadlay BBC-da.
Wasiirka
ayaa inta ku daray shirka in diiradda lagu saaray saddex qodob dib u
dhiska waddooyinka , waddan walba waxa uu keeni karo, horumarinta
bulshada gobolka, ganacsiga iyo is dhexgalka.
"Soomaaliya
waxaa ay shirka kala soo laabatay in dekedaha la xoojin doono ,dekeddo
yar yar oo kalluumaysi in la dhiso , in la dhiso waddooyin meelaha laga
saaro oo tagaya Itoobiya iyo Kenya , in waddooyinka ay la-haaddaan meel
la isugu yimaaddo." ayuu ku daray wasiirka maaliyadda.
Wasiirka
maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle, wuxuu sheegay shirka oo daba
socday kulan horey uga dhacay magaalada New York ee dalka Maraykanka
inay qodobbo muhiim ah ka soo baxeen, oo la filayo inay maalgaliyaan
Midowga Afrika iyo bangiga adduunka.
Dalalka geeska Afrika ayaa waxaa xubno ka ah ,Jabuuti, Eritrea, Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]