4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2019
Taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay dulleedka magaalada

 

Talaado, June, 11, 2019 (HOL)-Taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed ayaa ku geeriyooday iska horimaaad goor dhaw  oo maanta ah ka dhacay dulleedka magaalada Beledweyne gaar ahaan deegaanka Kala-Beyr.

Sidoo kale dagaalka waxaa ku dhaawacmay taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Baladweyne iyo saraakiil kale,waxaana dagaalka uu ka socdaa Koon-toroolka deegaanka Kalabeyr.

Wararka ayaa intaa ku daraya in weli deegaanka Kalabeyr  ee duleedka Baladweyne laga maqlayo rasaasta dagaalka u dhaxeeya  ciidamada Booliska Hirshabeelle iyo kuwa daacad u ah guddoomiyihii xilka laga qaaday  Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa magaalada ka jiray xiisad ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay Yuusuf Dabageed.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Sabtidii aynu soo dhaafay xilka qaaday guddoomiyihii gobolka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, isaga oo xilkaa u magacaabay Cali Maxamed Caraale oo hadda ku sugan magaalada Beledweyne.

Laakiin Yuusuf Daba-geed ayaa iska diiday xil ka qaadista lagu sameeyay, isaga oo sheegay in uusan aqoosaneyn guud ahaanba jiritaanka maamul gobolleedka Hirshabeelle

Abdisalan Nor Dirie , Hiiraan Online
[email protected]