Warshadda oo soo saaraysa dharka ciidanka oo leh tixraan fududaynaya in askari kasta ee Soomaaliyeed uu helo labis u gaar ah, ayaa meesha ka saaraysa dharkii ciidanka ee laga keeni jiray dibadda iyo in dharka ciidanka ay isticmaalaan shaqsiyaad aan ciidanka qayb ka ahayn.
newsinsideDowladda Turkiga ayaa Warshadda iyo dhammaan waxyaabaha ay ku shaqaynayso ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya, oo hadda gacanta ku haysa, waxaana la howl gelinayaa warshadda marka uu dhamaado dhismaha ay ku shaqaynayso si ugu dambayn ay u shaqo billaawdo horraanta sannadka 2020.
Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa fulinaya dhismaha warshadda oo qorshuhu yahay in lagu dhammeeyo sannadkaan gudihiisa, iyada oo qalabka lagu dhisayo xarunta ay soo saarayso warshad uu leedahay taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dib loo howl geliyay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray warshadda qalabka dhismaha ayaa ku bogaadiyay taliska asluubta dadaalka ay u galeen in ay dib u howl geliyaan warshadda, waxa uuna faray in xilliga loo qorsheeyay lagu dhammays tiro dhismaha warshadda dharka ciidanka oo muhiim u ah dalka, qaybna ka qaadanaysa horumarinta amniga iyo qalabaynta ciidanka.
Wasiirka difaaca , Taliya ciidanka xoogga iyo safiirka Turkiga ee
Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda dhagax dhigga warshadda
soo saaraysa dharka ciidanka qalabka sida.




