4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2019
Degaan ka mid ah dalka Itoobiya ayaa laga xusaa Ciid la yidhaahdo Ciidda Shawaal


Talaado, June, 11, 2019 (HOL) - Deegaanka Harar oo ka mid ah Degaanada dalka Itoobiya ayaa laga xusaa maanta oo kale Xuska Ciidda Shawaal oo ay dadka Heraridu xusaan kaddib markay soo soomanaayeen 6dii maalmood ee Shawaal.

Haddaba Xuskan maanta oo kale ah ayaa aad looga wayneeyaa Harar waxayna dadku isugu hambalyeeyaan sidii Ciiddii caadiga ahayd iyagoo magaalada dhan qurxiya, Harar marka aad dhex taagan tahay maanta oo kale waxaad moodaysaa in la joogo Ciidii Carafo ama Ciidul Fidrigii.

Dadka Hararida siiba Odayaal dhaqameedka Harar ayaa wada qorshe lagu hormarinayo sidii ay Ciidani u noqon lahayd mid la aqoonsado oo lagu Ciidaha ka jira dalka Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]