4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2019
Soomaaliya oo xubin buuxda ka noqotay Golaha Sare ee Garsoorka Afrika


Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya,Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay xubin buuxda ka noqotay Golaha Sare ee Garsoorka Afrika.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa  magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qayb galayaa shirkii 5aad Golaha Sare ee Garsoorka Afrika oo uu furay Madaxwaynaha Angola, Joã Manuel Gonçalves Lourenceç.

Shirka ayaa looga hadlayaa dhawrista dastuurka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee aadamaha iyo kaalinta Garsoorka.

Wuxuu ku soo aaddaya xilli wali qaaradda Afrika lagu tilmaamo inan awood badan la siin garsoorka, balse hadda waxaa socdo dedaallo ay dalalka qaaradda ku doonayaan in la xoojiyo garsoorka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]