4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2019
Ciidanka Puntland oo dib ula wareegay deegaanka Af Urur

Talaado, June , 11, 2019 (HOL)-  Ciidammada Puntland oo dabayaaqadii bishii hore isaga baxay deegaanka Af Urur ee gobolka Bari  ayaa dib halkaa ugu laabtay.

Muddo labo toddobaad ku dhow ayaa deegaanka waxaa gacanta ku hayay ururka al-Shabaab, balse saraakiisha ciidanka Puntland ayaa hadda sheegay si buuxda inay deegaanka u maamullayaan.

Warka ku aaddan in ciidanka Puntland ay dib ula wareegeen deegaanka Af Urur, waxaa xaqiijiyay taliyaha ururka saddexaad ee ciidammada deegaanka Af Urur Gaashaanle dhexe Maxamuud Maxamed.

Deegaanka Af Urur oo dagaal ciidammo badan ay kaga geeriyoodeen Puntland sannadkii 2017kii uu ka dhacay ayaa dhowr mar gacan ku heynteeda waxaa isaga dambeeyay al-Shabaab iyo ciidanka Puntland, balse hadda ma jirto faahfaahin ka soo baxday hey'adaha ammaanka oo la xiriirta sababta ay markii hore ciidammada uga baxeen deegaanka iyo dib ugu laabashadoodda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]