Axad, Maarso ,26 , 2017 (HOL) – Dooxa weyn ee Aw Barkhadle ee u dhexeeya
Hargeysa iyo Berbera aya laga soo sheegayaa in uu gaari iyo saddex qof oo la socday uu qaatay, taas
oo hadda lagu jiro baadi doonta dadkaasi.
Roobab waaweyn ayaa xalay illaa maanta ka da’ayey deegaanadda galbeedka Somaliland, waxaana xalay roob weyn ka da’ay magaalada Gabiley, Wajaale iyo Boorama ayaa iyagana laga soo sheegayaa roobab lagu diirsaday.
Magaaladda Hargeysa galabta Roob lagu qabowsaday ayaa ka da’ay, hasse ahaatee waxa soo rogmaday dooxyada Arabsiyo, Aw barkhadle iyo Dacar Budhuq, taas oo gaadiidkii mari lahaa laga joojiyey, iyadoo wararku sheegayaan in gaadiid badan ku xaniban yihiin Dooxyaddaasi oo biyo badani socdaan.
Sidoo kale, deegaanno badan oo Somaliland ayaa laga soo sheegayaa roobab mahiigaan ah oo ka da’ay, iyadoo khasaarooyinkii u horeeyey ee ka dhashay roobabkaaasi hada la soo sheego, waxaana wararku intaas ku darayaa in gaadhiga ay la socdeen saddex qof oo laba dumar ahaayeen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland