3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 26, 2017
Dad rayid ah oo lagu dilay magaaladda Laascaanood

 

Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Koox hubeysan ayaa xalay magaaladda Laascaanood, siyaabooyin kala duwan uga geystay dilal qorsheeysan.

Laba nin oo la sheegay in ay ahaayeen dad shacab ah oo si weyn laga yaqaanay magaaladda ayaa lagu dilay bartamaha Laascaanood, waxaana lagu kala magacaabi jiray Jaamac Cabdi iyo C/xakiin Ducaale.

Kooxihii dilalka geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen, sida dadka ku nool magaaladda ay sheegeen.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay raggaasi.

Ciidamada ammaanka maamulka ayaa wada howlgallo baaritaano ah.

Ammaanka magaaladda Laascaanood, ayaa aad u wanaagsanaa bilihii lasoo dhaafay.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia














Click here
3/26/2017 2:37 PM EST
Axad, Maarso ,26 , 2017 (HOL) – Dooxa weyn ee Aw Barkhadle ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera aya laga soo sheegayaa in uu gaari iyo saddex qof oo la socday uu qaatay, taas oo hadda lagu jiro baadi doonta dadkaasi.

3/26/2017 11:05 AM EST
Axad, Maarso ,26 , 2017 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo safar shaqo ku jooga goboladda bariga ayaa saaka hiirtii waabari socdaal ku maray deegaanadda laga wado sahaminta Shiidaalka iyo macdanta ee Togdheer, ka dibna dib usu soo laabtay magaaladda Burco oo uu kaga qaybgalayey daah furka bilowga sahaminta shiidaalka oo maalmahan ka socday goboladda qaar.

3/26/2017 10:22 AM EST
Axad, Maarso ,26, 2017 (HOL)-Dhallinyaro reer Hargeysa ayaa bandhig lagu xayeysiinayo dharka ku qabtay magaaladda Hargeysa, taas oo keentay hadal hayn badan iyo in dhalinyartaasi lagu dhaliilo.

3/26/2017 9:07 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Laba Qarax, ayaa maanta ka dhacay degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynleey ee magaaladda Muqdishu, sida saraakiil iyo goob-joogayaal ay u sheegeen Hiiraan Online.

3/26/2017 9:07 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Laba Qarax, ayaa maanta ka dhacay degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynleey ee magaaladda Muqdishu, sida saraakiil iyo goob-joogayaal ay u sheegeen Hiiraan Online.

3/26/2017 8:34 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Hay'adda Humanitarian African Relief ee HARO oo ka mid ah Hayadaha Samafalka ee ka Howl gala dalka Soomaaliya ayaa gargaar Raashin ah ka qaybisey Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool waxaana Raashinkaas la siiyey Qoysas ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Bakool iyadoo raashinkaas ka Faaiideystey Qoysas gaaraya 400 oo Qoys.

3/26/2017 7:24 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Xubno ka tirsan gollaha wasiirada dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maanta shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Beledweyne ayaa wax qabad la’aan ku eedeeyay Qaramada Midoobay, xili abaar adag ay ka jiraan sida ay hadalka u dhigeen deegaannada uu maamulka ka arimiyo.

3/26/2017 6:39 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya halkaa ku dilay nin dhalinyaro, isaga oo sidoo kalana dhaawacay gabar la dhalatay marxuumka.

3/26/2017 5:47 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Labo caruur ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen, saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay deegaan ku yaala xadka dowladda Kenya, gaar degmada Mandheera.

3/26/2017 5:03 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa xalay Isbitaalo ay ku jireen ku booqday bukaano ay ka mid yihiin fananada Saynab Xaaji Cali Baxsan, sii hayaha xilka wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda , Abwaan Maxamuud Cabduulahi Ciise Singub ,film qaade Cabdixamiid Karazay oo ka tirsan Tvga Universal iyo hooyadda xildhibaan Cabdifataax Geesay.

3/26/2017 2:14 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha maamulka khaatuma Yaasiin Axmed Sulub, ayaa ku geeryooday magaaladda Diri-dhaba ee Dalka Itoobiya, sida masuuliyiin maamulka Khatumo ka tirsan ay sheegeen.

3/26/2017 2:10 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo gollihiisa wasiirada cusub ee uu dhawaantan magacaabay ayaa durbaba wajahaya caqabad iyo culeys siyaasadeed oo uga imanaya xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta aan la horgeyn gollaha shacabka.