3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2017
Falanqeyn : Maxey tahay cabashada xildhibaannada ee ka dhanka ah gollaha cusub ee wasiirada

 Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo gollihiisa wasiirada cusub ee dhawaantan uu magacaabay ayaa durbaba wajahaya caqabad iyo culeys siyaasadeed oo uga imanaya xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta aan la horgeyn gollaha shacabka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo garwaaqsaday miisaanka xidhibaannada diidan habka saami-qeybsiga xubnaha cusub ee gollaha wasiirada ayaa qoraal uu u diray ra’iisal wasaare Kheyre ugu baaqay in uu dib u eegis ku sameeyo gollihiisa wasiirada ka hor inta aan la hor keenin baarlamaanka.

Dadka Falanqeeya arimaha siyaasada ayaa qaba in gadoodka ugu badan ee xildhibaannada uu ka imanayo dhinaca saami-qeybsiga beellaha oo siyaasiyinta qaar u arkaan in aan lagu saleyn habka awood qeybsiga 4.5ka oo mudo dheer soo tixnaa.

Xildhibaan Idiris Aadan Dhakhtar oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha looga fadhiyo in uu toosin uu ku sameeyo gollaha wasiirada ka hor inta aan la horgeenin baarlamaanka.

‘’Nuxurka toosinta waxaa uu noqonaya in xukuumadan ay baalmarsan tahay habkii awood qeybsiga 4.5 oo xukuumadii hore oo dhan ay ku saleysnaayeen, ayuu yiri Xildhbaan idiris Aadan Dhakhtar

Hoos marka aad u sii eegto doodda xildhibaannada waxaa kuu muuqanaya in ay siweyn u saluugsan yihiin in beelaha qaar la siiyo wasiiro dheeraad oo aan horay u soo marin xukuumadihii ka horeeyay, halka dhinaca kale laga yaabo in ay jiraan beello aan wax saami ah ku yeelan xukuumada.

Baarlamaanka oo laftirkiisa ku dhisan habka awood qeybsiga aan tastuurka ku saleysneyn ee 4.5 ayaa u muuqda mid ay ka dhax abuurmayaan isbaheysiyo iska soo horjeeda, madaama gollaha wasiirada cusub ee la soo dhisay ku jiraan tiro xildhibaanno ah oo u olaleynaya in xukuumada la meelmariyo.

Jahwareerkan siyaasadeed ee ka oogan baarlamaanka iyo xukuumada cusub ayaa imanaya xili dalka uu dibada uga maqan yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu danbeyntii, lama oga go’aanka ra’iisal wasaaraha uu ka qaadanayo baaqa guddoonka baarlamaanka ee ah in dib u eegis lagu sameeyo xubnaha cusub ee gollaha wasiirada, mana aha markii ugu horeysay oo ra’iisal wasaare dib u eegis ku sameeyo gollihiisa wasiirada, madaama ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke tiro labo jeer uu dib ugu laabtay golle wasiiro uu soo dhisay kadib markii uu ka war helay guuxa xildhibaannada baarlamaankii markaas jiray oo siweyn u dhaliilay habka uu xukuumada u soo magacaabay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
3/26/2017 2:37 PM EST
Axad, Maarso ,26 , 2017 (HOL) – Dooxa weyn ee Aw Barkhadle ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera aya laga soo sheegayaa in uu gaari iyo saddex qof oo la socday uu qaatay, taas oo hadda lagu jiro baadi doonta dadkaasi.

3/26/2017 11:05 AM EST
Axad, Maarso ,26 , 2017 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo safar shaqo ku jooga goboladda bariga ayaa saaka hiirtii waabari socdaal ku maray deegaanadda laga wado sahaminta Shiidaalka iyo macdanta ee Togdheer, ka dibna dib usu soo laabtay magaaladda Burco oo uu kaga qaybgalayey daah furka bilowga sahaminta shiidaalka oo maalmahan ka socday goboladda qaar.

3/26/2017 10:22 AM EST
Axad, Maarso ,26, 2017 (HOL)-Dhallinyaro reer Hargeysa ayaa bandhig lagu xayeysiinayo dharka ku qabtay magaaladda Hargeysa, taas oo keentay hadal hayn badan iyo in dhalinyartaasi lagu dhaliilo.

3/26/2017 9:07 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Laba Qarax, ayaa maanta ka dhacay degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynleey ee magaaladda Muqdishu, sida saraakiil iyo goob-joogayaal ay u sheegeen Hiiraan Online.

3/26/2017 9:07 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Laba Qarax, ayaa maanta ka dhacay degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynleey ee magaaladda Muqdishu, sida saraakiil iyo goob-joogayaal ay u sheegeen Hiiraan Online.

3/26/2017 8:34 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Hay'adda Humanitarian African Relief ee HARO oo ka mid ah Hayadaha Samafalka ee ka Howl gala dalka Soomaaliya ayaa gargaar Raashin ah ka qaybisey Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool waxaana Raashinkaas la siiyey Qoysas ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Bakool iyadoo raashinkaas ka Faaiideystey Qoysas gaaraya 400 oo Qoys.

3/26/2017 7:24 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Xubno ka tirsan gollaha wasiirada dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maanta shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Beledweyne ayaa wax qabad la’aan ku eedeeyay Qaramada Midoobay, xili abaar adag ay ka jiraan sida ay hadalka u dhigeen deegaannada uu maamulka ka arimiyo.

3/26/2017 6:39 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya halkaa ku dilay nin dhalinyaro, isaga oo sidoo kalana dhaawacay gabar la dhalatay marxuumka.

3/26/2017 5:47 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Labo caruur ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen, saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay deegaan ku yaala xadka dowladda Kenya, gaar degmada Mandheera.

3/26/2017 5:03 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa xalay Isbitaalo ay ku jireen ku booqday bukaano ay ka mid yihiin fananada Saynab Xaaji Cali Baxsan, sii hayaha xilka wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda , Abwaan Maxamuud Cabduulahi Ciise Singub ,film qaade Cabdixamiid Karazay oo ka tirsan Tvga Universal iyo hooyadda xildhibaan Cabdifataax Geesay.

3/26/2017 3:43 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Koox hubeysan ayaa xalay Magaaladda Laascaanood, siyaabooyin kala duwan uga geystay dilal qorsheeysan.

3/26/2017 2:14 AM EST
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha maamulka khaatuma Yaasiin Axmed Sulub, ayaa ku geeryooday magaaladda Diri-dhaba ee Dalka Itoobiya, sida masuuliyiin maamulka Khatumo ka tirsan ay sheegeen.