Axad, Maarso, 26,
2017 (HOL) – Xubno ka tirsan gollaha wasiirada dowlad gobolleedka Hirshabeelle
oo maanta shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Beledweyne ayaa wax
qabad la’aan ku eedeeyay Qaramada Midoobay, xili abaar adag ay ka jiraan sida
ay hadalka u dhigeen deegaannada uu maamulka ka arimiyo.
Shirka jaraa’id oo wada jir ah u qabteen wasiirrada arimaha gudaha iyo warfaafinta maamulka gobolleedka Hirshabeelle Maxmed Cali Caadle, iyo Mahad Xassan Cismaan ayeey ku sheegeen xafiiska QM in uu ka gaabiyay howlihii loo idmaday, islamarkaana ay joojiyeen dhinacooda wada shaqeyntii ay la lahaayeen xafiiska QM.
“Sidda aad ka warqabtaan deegaannadda maamul gobolleedka Hirshabeelle waxaa
ka jrta abaar adag oo dadka iyo duunyda saameysay, mana jirto wax ay u qabteen
QM,waana ka fiirsan doonaa wadashaqeynta aan la leenahay haddii aysan isbedel
sameyn.”ayuu yiri wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Hirshabelle Mahad
Xasan Cismaan.
Ugu danbeyntii, shirkan jaraa’id ee xubnaha gollaha wasiirada ayaa imanaya xili maalintii shalay magaalada Beledweyne soo gaareen xubno ballaaran oo uu horkacayay madaxweynaha maamulka Cali C/llaahi Cosobole.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]