4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2017
Hargeysa: Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo ka hadashay Xayeeysiis dhar oo dhalinyaro soo bandhigtay


Axad, Maarso ,26, 2017 (HOL)-Dhallinyaro reer Hargeysa ayaa bandhig lagu xayeysiinayo dharka ku qabtay magaaladda Hargeysa, taas oo keentay hadal hayn badan iyo in dhalinyartaasi lagu dhaliilo.

Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ka hadlay bandhigaasi lagu xayeysiinayo labiska dharka oo labaddii cishe u dambeeyey si weyn loo hadal hayey,isla markaana baraha bulshadda lagu dhaliiyey dhalinyaradaasi.

Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in dhaqan kasta oo cusub loo eegayo waxay shareecaddu ka qabto, waxaanu soo jeediyey in haddii dharkaasi la soo bandhigayey asturayo cawradda aanay dambi ahayn, haseyeeshee loo eegayo uun dharkaasi la dhallinyaraddu xayeysiisanayo shareecaddu waxay ka qabto.

“Wax kasta oo cusub oo dhaqankeena ku cusub waxa loo eegayaa shareecadda islaamka maxay ka qabtaa,Waxa la is waydiinaya bandhig dhareed ayaa la sameeyey waxay ku xidhan tahay shareecad ma waafaqsan tahay mise ma waafaqsan, tusaale ahaan haddii dharkii dhaqankeena ahaa sida cumaamadda, gu’ii shaalka ahaa iyo macawis hadii aad xayeysiinayso sharci ku diiday ma jirto, haddii dharkan caadiga ah la xidho ee aynu ku xaragoono ee caadiga ah ama shuudh ha noqdo ama khamiis ha noqdo ama dharkan caadiga ah ee la xidho ha noqdo haddii uu qofku is yidhaahdo bandhig u samee ama xayeysiis, taasna waxba kuma jabna, laakiin shuruudaha dharkeena u dhigtay diintu hadii uu khilaafo ayuu noqonaya xaaraan, tusaale ahaan shareecadu waxay u dhigtay dharkeena la xidhanayo shuruud ah in dharku cawradaada wada asturo”ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

Baraha bulshadda waxa labaddii cisho u dambeeyey lagu hadal hayey dhallinyaro bandhig xayeysiis dhar ah ka qaybgalay oo magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay, taas oo dhalinyaro badan ka soo horjeesteen kuna tilmaameen mid khalad ah, maadaama oo wakhti adag oo abaar ahi lagu jiro in dhalinyaro dhar xayeysiiso oo laga soo qaybgalo, haseyeeshee dhalinyaradda dharka xayeysiinayey ayaa sheegay in bandhigaasi lacagta ka soo baxda lagu caawinayey dadkad abaaruhu saameeyeen.

Dhinaca kale, wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Sheekh Khaliilf Cabdilaahi ayaa arimo maalmahan dambe suuqa soo galay oo la sheegayo inay soo badanayaan dadka sixirka samaynayaa, waxaanu yidhi “Sicirku waa xaaraan barashadiisa iyo ku camal falkiisa waa xaaraan, xukuumada waxa ka go’an meel kasta oo saaxir lagu sheego la xidho, wasaaraduna way ka hawlgashay dhawr qof ayaa la mustaafuriyey qaar baa xabsiyada ku jiro oo aan dhamaysaan xabsiyadii, cid kasta oo ogaata cid saaxir ah ha la noo sheego”.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.