4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo ka qaybgalay daahfurka sahaminta shidaalka ka socda gobolada Bariga


Axad, Maarso ,26 , 2017 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo safar shaqo ku jooga goboladda bariga ayaa saaka hiirtii waabari socdaal ku maray deegaanadda laga wado sahaminta Shiidaalka iyo macdanta ee Togdheer, ka dibna dib usu soo laabtay magaaladda Burco oo uu kaga qaybgalayey daah furka bilowga sahaminta shiidaalka oo maalmahan ka socday goboladda qaar.

Madaxweynaha ayaa markii uu booqday deegaanada uu ka socdo sahaminta shiidaalka ayaa uga mahad naqay wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo markii u horaysay hirgelisay in la helo qalab lagu baadho khayraadka uu ka mid yahay shidaalku, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay dadweynaha deegaamada laga wado sahaminta shidaalka oo si wanaagsan ula shaqeeya wasaaradda iyo farsamo yaqaanada ku hawlan sahaminta shidaalka.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay sahaminta Shiidaalka oo uu sheegay in loo baahan yahay in dadka deegaanka shaqadan laga wado wixii shaqo ee ka soo baxa laga hawlgaliyo, waxaanu si adag uga hadlay in la carqaladeeyo oo la isku dayo in shaqadda la joojiyo.

“Milgo iyo maamuus weyn ayay Madaxweyne ahaan ii tahay, in aan idinkala soo qayb galo, xafladdan lagu daah furayo, bilawga sahaminta shidaalka dalka. Mashruucan sahaminta shidaalku, wuxuu si rasmi ah uga bilaabmay Gobolka Saraar iyo Togdheer, wuxuuna u gudbi doonaa Gobollada Daad-madheedh, Maroodi-jeex, Hawd iyo Sanaag.”ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynuhu wuxu sheegay inay soo dhoweynayaan dhaliilaha, waxaanu yidhi “Waxaannu nahay xukuumad bisil, oo ay ku duugan tahay dulqaad, dad-wad, waayo-aragnimo iyo waayeelnimo. Sidaa darteed, waxaan soo dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah, ee runta ku dhisan, iyo toosinta wax lagu dhisayo ee maamulkayga loo jeedinayo. Aniga oo mabaadiida aan aaminsanahay ka duulaya, waxaan diyaar u ahay in aan saxo wixii qaladama, waxaana la yidhi "Qalad waa markii la qabto". Dhinaca kale, waxaan ixtiraamayaa aragtiyaha ka soo horjeeda, hayaanka horumarka iyo higsiga himilada qarankan, aan hoggaankiisa hayo. Waxaannu xurmaynaynaa, xuquuda iyo xoriyaadka muwaadiniinta. Waxaan caddaynayaa in aanay jirin, isla markaana jiri doonin cid lagu cabudhiyo, ama lagu ciqaabayo fikirkiisa qof ahaaneed.”

“Waxaan u digayaa, cid kasta oo isku dayda in ay abaabusho khal-khal iyo rabshado lagu wax yeelaynayo amniga, nabadgelyada iyo midnimada ummadda Waxaan sida cadceeda u cadaynayaa, in aan dawladaydu u dulqaadan doonin, dibindaabyada dalka iyo dembiyada abaabulan ee qarankan lagu duminayo. Arrintani waxay ka mid tahay xilka iyo waajibaadka i saaran Madaxweyne ahaan, ee la ii doortay. Sidaa darteed, far waaweyn oo aan gabasho lahayn baan ku qorayaa.”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu ka hadlay dib udhaca doorashadda oo wadamada beesha caalamku ku dhaliileen xukuumadda inay dhawr dib u dhacday taasina ay keentay inay ka cadhoodeen dib u dhaca soo noq noqday eek u yimid doorashadda.

“Sida aynu la wada soconno, dib-u-dhac ayaa ku yimi Doorasahadii Madaxtooyada ee inoo qorshaysnayd 28/03/2017, oo ay maanta inaga xigto 2 cisho. Xaqiiqdii, aad ban uga xumahay, dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinkii Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka. Madaxweyne ahaan, ma jiro cid iga jeclayd in doorashadu qabsoonto xilligii loogu talo galay. Xiiso iima hayo, xikmadna uma arko, in aan kursiga sii fadhiyo, wakhti ka baxsan muddo xileedkii la ii doortay, isla markaana muddo kordhin marba la ii sameeyo. Mansabkan aan qaranka u hayo, waxaan ku imi si maamus leh, waxaanan jecelahay in aan kaga tago si sharaf iyo xarrago leh. Waxaan shacbigayga u caddaynayaa, in arrintani aanay ku iman xeelad siyaasadeed, oo ay xukuumadaydu ka dambaysay. Dib u dhacan, waxaa keenay, abaarta ba'an ee inagu habsatay.Muddo kordhintani, waxay ka mid ahayd go'aammadii iigu adkaa, shakhsi ahaan, ee isoo maray muddadii aan talada dalka gadhwadeenka ka ahaa. Sidoo kale, waxay ka mid tahay, arrimaha culus ee aan marar badan, ka fekiray tan iyo intii aan hano-qaaday. Aniga oo arkayay duruufta adag ee dadkayga haysata, haddana si aan uga hortago dib-u-dhac ku yimaadda doorashada, waxaan isku dayey, in aan ku qanciyo madaxda xisbiyada qaranka, in la isku maareeyo gurmadka abaarta, iyo qaybinta kaadhadhka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, iyo qabsoomidda doorashada.”ayuu yidhi Siilaanyo.

Madaxweynuhu wuxu sheegay in doorashada la qabto ay ka hor yimaadeen labadda xisbi ee mucaarad, taasina ay keentay in dib u dhacdo doorashaddu, waxaanu madaxweynuhu sheegay in labadda sabab u ahaayeen dib u dhicii doorkan maadaama oo iyagu dalbadeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland