Ra’iisal wasaaraha oo booqday bukaano ay ka mid yihiin Fanaanada Seynab baxsan iyo Abwaan Singub
Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa xalay Isbitaalo ay ku jireen ku booqday bukaano ay ka mid yihiin fananada Saynab Xaaji Cali Baxsan, sii hayaha xilka wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda , Abwaan Maxamuud Cabduulahi Ciise Singub ,film qaade Cabdixamiid Karazay oo ka tirsan Tvga Universal iyo hooyadda xildhibaan Cabdifataax Geesay.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ku wehliyay guddooomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaaji Cabdullahi , Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda magacaban.
Fanaanada wayn ee Soomaaliyed Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ah fananinta hoboladda qaranka waabari ayaa qaliin looga sameynayaa xameetidda, waxaana hadda ay ku jirtaa Isbitaalka Blue Star ee magalaadda Muqdisho.
“Waxaan Alle uga rajeyneynaa in caafimaad tamaam ah uu siiyo dhamaan dadka xanuunsan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.
Mudane Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa fanaanada Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo Dhakhtarka qaliinka ku sameyey ka wareystay xaaladeeda Caafimaad, isagoo xusay in ujeeda uu ugu yimid ay tahay in uu la qaybsato xanuunka maadama ay tahay fanaanad qaran oo dalkaan horumarkiis a qayb wayn ku leh , waxaa uu u rajeeyey caafimaad deg deg ah in alle siiyo.
Isbitaalada ay booqdeen madaxda ayaa waxaa ka mid ah Digfeer Hospita.
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia