Isniin, June 23, 2014 (HOL) — Midowga Yurub iyo Oxfam ayaa daah-furay barnaamij soconaya saddex sano oo lagu taageerayo wax-soo-saarka kalluunka Somalia. Mashruuca maanta la billaabay wuxuu ka mid yahay barnaamij shan Milyan oo Euro ku baxaya, kaas oo laga hirgelin doono Puntland iyo Somaliland. Haddii lagu guulaystana waxaa la gaarsiin doonaa gobolada kale ee Soomaaliya.
Mashruuca qaybta u gaarka ah Puntland waxa fulinya Oxfam iyo hay’ada maxaliga ah ee KAALO iyagoo kaashanaya wasaaradda kalluumaysiga Puntland ayaa waxay tani sare u qaadaysaa awoodda farsmo ee wasaaradda, waxayna horumarinyaan farsamada casriga ah ee kalluumaysatada, samaynta nidaam lagu bixiyo liisanka iyo ilaalinta heererka tayada, abuuritaanka nidaam lagu wadaagayo xogta suuqa, inuu bixiyo macluumaad ku saabsan faa'iidooyinka caafimaad ee kalluuunka iyo in qiimeyn lagu samaynayo deegaannada xeebta ah.
“Xeebteennu waxay naga taageertaa waaxda kalluumaysiga oo aan doonayno inaan sii horumarinno, inta uu mashruucani socdo waxaa sare loo qaadayaa awoodda farsamo ee wasaaradda. Tanina waxay sare u qaadaysaa wax-soo-saarka kalluumaysiga. Waxaana si fiican ula shaqeynaynaa Midowga Yurub, Oxfam iyo KAALO si ay si fiican u fuliyaan mashruuca," sidaa waxaa yiri wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland, Cabdinuur Cilmi Maxamuud.
“Waxaa jira fursado waaweyn oo kalluumaysi oo aan laga faa'iidaysan, taasoo keeni karta faa'iidooyin dhaqaale oo muhiim u ah dhulka," ayuu yiri Michele Cervone d'Urso oo intaa ku daray. "Waanu ku faraxsannahay inaan taageerno qorshaha waqtigan kaasoo quudinaya qoysas, wax ka bedelaya hab-nololeedka bulshooyinka xeebaha, samaynaya fursado shaqo, kobcinaya wax-soo-saarka kalluunka iyo dhoofintiisa iyo inuu noqdo meel muhiim ah oo dakhli ka soo galo Soomaaliya."
Agaasimaha Oxfam ee Soomaaliya, Enzo Vecchino oo isna hadlay ayaa yiri: "Horumarinta xirfadaha kalluumaysiga, habka loosoo saaro iyo suuq-gaynta kalluunka ayaa waxay ku adag tahay hab nololeedka dad badan oo xeebaha ku nool." isagoo intaas ku daray xilliga uu socoonayo barnaamijkan wuxuu u adeegayaa inuu dhiso adkaysiga bulshooyinka xeebaha ku nool.
“Mashruucani waa fursad qaali ah oo lagu horumarinayo kalluumaysiga. Qaababkan cusubi waxay sare u qaadayaan ganacsiga kalluumaysatadeenna, sidoo kalena waxay wax-tar u leedahay dhaqaalaha qoysaskooda iyo bulshadeenna,” ayuu yiri agaasimaha fulinta ee KAALO, Maxamuud Xaamid Maxamed.
Maamulka Puntland ayaa dhowr mar sheegtay inay beesha caalamka ka doonayso in laga taageero kalluumaysiga maadaama ay Soomaalida leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika.
Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya