Xisbiga TAYO oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holland (SAWIRRO)


Isniin, June 23, 2014 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen faracyada xisbiga ee Yurub iyo waqooyiga Mareykanka iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Holland ayaa xalay ka dhacay Hoteelka Mercury ee magaalada The Hague.

Shirka ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Xamza Xuseen (Xamza Ha noolaato) oo ka mid ah xubnaha xisbiga TAYO ee Holland isagoo soo dhaweeysay xubnaha xisbiga ee ka kala yimid Mareykanka, Canada iyo Holland, iyadoo sheegtay in ujeeddada dadkaas kulmineysay ay tahay sidii qof kasta oo ka damqanaya dalka uu qaybtiisa ka qaato soo celinta sharaftii iyo karaamadii ay Somalia lahayd.

Xamza ayaa sheegtay inkastoo Somalia dhibaato badan ay ka dhacday oo ay luntay kalsoonidii qof walbana salka la galay qabiil; haddana ay nasiib-wanaag tahay Soomaalida sidii hal qoys oo kale oo aan sinna u kala maarmi karin, qof kastana uu kan kale xigto la yahay, balse dadyow (dalal kale) oo ujeeddadoodu tahay in Soomaaliya ay qabri geliyaan ay falkinayaan kala fogeynta Soomaalida, waxgaradkana waxaan ugu baaqayaa bay tiri inay dalkooda badbaadiyaan.

“TAYO wuxuu kasbaday quluubta inta jecel in Soomaali ay sharafteedii dib ula soo laabato, xilligana waan ka war-qabnaa xaaladda adag ee uu ku jiro, haddana adduunka dal kasta wuu soo maray mushkiladda maanta ina haysata, weliba dalalkii soo maray marxaladdeena oo kale waxay ahaayeen kuwa aan isku af, dhaqan iyo diin ahayn oo kala duwan, annaga oo Soomaali ah intaana wadaagna waxaanan u baahan nahay in la helo ummad Soomaaliyeed oo mas'uul ah oo dadkeenna kala irdhoobay isku baadi gooba, iyagoo aan ujeeddo kale ka lahayn ee ay ka tahay dar ALLE,” ayay tiri Xamza.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahna guddoomiyaha xisbiga TAYO oo kulanka khubad ka jeediyay ayaa taabtay dhowr arrimood oo quseeya marxaladda dalku ku sugan yahay.

“Xamar markaan kasoo laabannay ayaa xubno xisbigeenna ka tirsan waxay soo jeediyeen in howsha xisbiga aan dar-dargelino, waxaan ku iri yaan na loo arag nin laga soo adkaaday oo xanaaqsan, waa inaan dowladda waqti siinnaa, kana dhursugnaa waxqabadkeeda,” ayuu Farmaajo ku sheegay khudbaddiisa.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri: “Xisbiga TAYO faraciisa Oslo ee dalka Norway laba sano ayuu xafiis u furnaa, iyaga ayaana isku tashaday Keyse iyo C/qaadir Khaliif waxay muujiyeen in iyagoo aan cid kale ku tiirsanayn ay isku maamuli karaan.”

Sidoo kale, Farmaajo ayaa ka tacsiyeeynaya geeridii Allaha u naxariistee wariye Yuusuf Keynaan oo 21-kii bishan qarax lagu dilay, wuxuuna ku tilmaamay nin dhallinyaro ah oo maskax furan, dalkiisa iyo dadkiisana jecelaa.

“Qof dhallinyaro ah oo mustaqbalkiisii hadda la kowsaday oo la joogo xilligii uu naftiisa iyo dalkiisa wax u qaban lahaa in sidaa loo dilo waa arrin fool xumo ah, kaligiis ma ahan maalin walba ayaa dad shacab ayaa la laalaayaa, maxaa lagu laynayaa.? Maxay u dhimanayaan dadkaasi.? Haddana loo aamusan yahay.?.” ayuu isweydiiyay Farmaajo.

Farmaajo ayaa dhaliilay dowladda uu madaxweynae Xasan Sheekh isagoo xusay inay kasoo bixi wayday balanqaadkii ay horay u sameysay, sidoo kalena wuxuu arrin murugo leh ku tilmaamay in dadka barakaca ah ee xeryaha ku jira ay ku geeriyoodeen daadad kusoo rogmaday, isagoo xusay inaysan dowladdu gurmad u fidin dadkaas.

“Madaxweynaha xushmad ayuu naga mudan yahay, waa madaxweynaheennii, maadaama aan xisbi mucaarad ah nahay waxaan doonaynaa in dhaliisheenu ay mar walba noqoto mid wax dhisaysa,” ayuu yiri Farmaajo.

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay xaaladda amni xumo ee dalka ka jirta ayuu ku eedeeyay hoggaanka dalka, isagoo yiri. “Shabaab waa laga adkaan karaa, haddii la dhowro xuquuqda askarta. Askariga dagaalamaya waa inuu helo daryeel iyo xannaano joogta ah. Inay askar ajaanib ah ku ilaaliyaan adigunaaad is-dhigato suurogal ma ahan.”

Waxyaabaha kale ee uu Farmaajo kaga hadlay khudbadiisa waxaa ka mid ahaa musuq-maasuqa, isagoo ku tilmaamay in dowlad wannaag iyo musuq-maasuqa ay yihiin laba arrimood oo iska soo horjeeda.

“Qofkii wax xada meel xun ha laga tuuro, anigu sida Al-shabaab gacanta ha la gooyo ma lihi, laakiin meel uusan kasoo waaqsan ha laga rido ayaan leeyahay,” ayuu yiri Farmaajo, isaga oo madaxda dowladda ugu baaqay wixii ay shacabka u ballan-qaadeen inay ka dhabeeyaan.

Aamina Siciid oo reer Sweden ah oo kulanka ka hadashay ayaa iyaduna waxay  sheegtay in Soomaalida haddii faragelinta laga daayo ay rumeysan tahay inay yihiin dad dalkooda wanaajin kara. “Qof kasta oo Soomaaliyeed saqiir iyo kabiir wuu taabatay burburka iyo Qaran jabka nagu dhacay. markii dhibku billowday waan ogeyn inaysan jirin cid Soomaali u arxamaysa cid sii turun-tureyneysa ma ahane, annaga Soomaalida ah ayaa la innooga baahan yahay inaan is cafinno oo aan danteenna garanno, dagaal iyo colaad waxtarkooda waan soo aragnay sida ay dalkeenna ka dhigeen, dalkeenna waa innaga badan yahay maanta waxaan ku dirirnaa ma jiro, waxa keliya ee nala gudboon waa inaan iska dayno qabiilka iyo goboleysiga; Soomaalinimo meel ka hooseysana yaynaan wax ka raadin.”

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Soomaalida Itoobiya ee ku dhaqan dalka Holland, Axmed Mukhtaar oo hadal kooban ka jeediyey kulanka ayaa Farmaajo ku tilmaamay siyaasi bisil oo lagu aamini karo masiirka ummadda Soomaaliyeed oo xilligan u baahan is-bedel.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya