Isniin, June 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay dalka Jabuuti ku sugnaa, ayaagaarey magalaada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo sidiirranloogu soo dhoweeyey.
Wafdiga C/weli Maxamed Cali Gaas waxaa kamid ah Wasiirka Ganacsiga iyo Wershedaha Maxamed Xasan Soo-cadde iyo Wasiiru-dowlaha Mataxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ah Maxamed Cabbaas.
Madaxweynaha oo markii uu Nairobi ka degey si kooban warbaahinta ula hadlay, wuxuu sheegay in muddada uu Nairobi ku sugan yahay uu la kulmi doono madaxda ugu sarreeya dalka Kenya.
Arrimaha ay madaxda Kenya ka arrinsan doonaan mar wax laga weydiiyey, wuxuu sheegay inay ugu muhiimsan yihiin: xoojinta xiriirka labada dhan iyo weliba sidii ay is-kaashi dhinacyo badan leh u yeelan lahaayeen.
Wafdiga Madaxweyne Gaas ee xilligan dalka Kenya booqashada ku joogaa waxay horay usoo mareen dalalka Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online.
[email protected]
Puntland, Soomaaliya