Isniin, June 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku sheegay hadal uu soo saaray in ciidamadooda ku sugan Somalia aysan kasoo baxayn inta howsha ay halkaas u tageen lasoo gaba-gabeynayo.
Kenyatta ayaa sheegay in ciidamadooda ay qayb ka yihiin howlgalka AMISOM ee dalalka Afrika ay ku caawiyeen Soomaaliya si dib loogu soo celiyo nabaddii iyo xasilloonidii xididdana loo siibo Al-shabaab.
“Ciidamadeennu kama soo baxayaan Somalia illaa howsha ay u tageen laga soo dhameys-tirayo,” ayuu Kenyatta ku yiri qoraal uu kasoo saaray xafiiskiisa, isagoo intaas ku daray in kuwa ku talinaya in ciidamada Kenya lasoo saaro ay doonayaan in gobolka uu ku jiro dhibaatooyinka ay argagaxisadu geysanayso.
Sidoo kale, madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in howlgalka ciidamadooda ay u joogaan Soomaaliya uu sii soconayo ayna ka mid yihiin ciidamada Midowga ka socda Midowga Afrika ee halkaas ku sugan.
Kenya ayaa waxay ciidammo u soo dirtay Soomaaliya dhammaadkii sannadkii 2011-kii markaasoo ay sheegtay xukuumaddii jirtay in howsha ciidankan ay noqonayso inay kula dagaalamaan gudaha Soomaaliya Xarakada Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay dilal iyo afduubyo xuduud ka-tallow ah ka sameeyeen dalkooda.
Tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyay Al-shabaab waxay ballaariso weerarradii ay gudaha Kenya ka geysanaysay, kuwasaoo isugu jiray, qaraxyo iyo weerarro toos ah oo kuwoodii ugu darnaa ay ahaayeen weerarkii suuqa Westgate iyo kii ka dhacay toddobaadkii hore degmada Mpeketoni oo ku taalla jasiiradda Lamu.
Balse, madaxweynaha Kenya ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid abaabulkiisa ay ku lug lahaayeen siyaasiyiin Kenyan ah, taasoo ka careysiisay mucaaradka dalkaas ka jirta oo uu ka mid yahay xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo Raila Odinga oo looga guuleystay doorashadii dhaweyd ee Kenya ka dhacday.
Hadalka ku aaddan in ciidamada Kenya aysan kasoo baxayn Soomaaliya oo ah kii labaad oo uu sheego madaxweynaha Kenya dhawaanahan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xisbiyada ODM uu ugu baaqay in Kenya ay ciidankeeda kala soo baxdo Soomaaliya, si dhibaatada Al-shabaab ay geysanayso ay u yaraato.
Dhanka kale, Al-shabaab ayaa horay ugu baaqday xukuumadda Kenya inay kala baxdo ciidamadeeda gudaha Soomaaliya, haddii kale ay sii wadi doonaan dhibka ay ka geysanayaan dalkaas.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya