Ciidamo ku dagaalamay Baydhabo iyo Nuunow oo xilalka ka qaaday Wasiirro


Isniin, June 23, 2014 (HOL) — Laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Baydhabo ayaa dhintay kaddib iskahorimaad gudaha degmadaas ku dhexmaray maanta ciidammo ilaalo u ahaa taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Inkastoo aan la ogeyn waxa sababay iska-horimaadka ciidamada ayaa haddana dagaalka dhexmaray wuxuu muddo daqiiqado ah ka socday gudaha degmadaas sida uu soo sheegayo wariyaha HOL ee Baydhabo.

Dhanka kale, wareegto xalay uu soo saaray madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol, Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa xilalkii ka qaaday laba wasiir oo maamlkaas ka tirsan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka qaybgaleen shir ay dowladda Soomaaliya ku aqoonsatay maamulka saddexda gobol ee Baydhabo looga dhawaaqay.

Wasiirrada xilalka laga qaaday ayaa waxay kala yihiin: wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga, C/fataax Ibraahim Maxamed Geeseey iyo wasiirkii dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, Shiine Macallin Nuuroow.

Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa waxay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, iyagoo ka qaybgalay shir lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo ay heshiiska ku gaareen maamullada saddexda gobol iyo lixda gobol oo iska soo horjeeday.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay aqoonsan tahay maamulka ay ku heshiiyeen labada dhinac ee ah saddexda gobol, iyadoo tani ay magaalada Baydhabo ka dhalisay buuq, kala aragti-duwanaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya