Maamulka Lixda Gobol oo kasoo horjeestay heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay

Isniin, June 23, 2014 (HOL) — Maamulka lixda gobol ayaa si rasmi ah uga soo horjeestay heshiiskii maanta lagu saxiixay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku sheegeen madaxda dowladda inay kala saxiixdeen maamulladii ka kala koobnaa lixda iyo saddex gobol ee Baydhabo looga dhawaaqay.

Shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah Baydhabo ugu qabteen guddoomiyaha golaha guurtida ee maamulka lixda gobol, Xasan Shurre Maxamed Shurre iyo wasiirka gaadiidka cirka, dhulka iyo isgaarsiinta maamlkaas, Cabdullaahi Maxamed Idiris (Leesto) ayay ku sheegeen in heshiiskaas uu yahay mid maamulkooda lagu carqaladeynayo.

Xasan Shurre ayaa sheegay in heshiiskaas aysan aqoonsanayn, ayna u arkaan in uu yahay mid maamulkooda lagu dhabar-jabinayo, isagoo xusay inay dagaal la geli doonaan cid walba oo maamulkooda kasoo horjeedda.

Wasiirka gaadiidka maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ayaa sheegay inuu heshiiskaas yahay mid ay dabada kawadaan saddexda mas’uul ee dowladda ugu sarreeya, isagoo xusay inay ceeb ku tahay inay carqaladeeyaan maamul jira oo ay shacabka lixda gobol dhisteen.

“Maamulka Koonfur-galbeed wuxuu cambaareynayaa xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh, C/weli Sheekh iyo Prof. Jawaari oo ah kuwa dabada kawadaan, waxayna doonayaan in dalka ay dib ugu celiyaan xilligii sagaashameeyadii, waxaan dunida u sheegnay in Nicholas Kay inuusan arrimaha Soomaaliya dhex-dhexaad ka ahayn,” ayuu HOL u sheegay wasiirka gaadiidka oo ka warramayay waxyaabihii ay shirkooda jaraa’id ku sheegeen.

Sidoo kale, wasiirka ayaa mar kale yiri: “Dowlad jacayl ayaan Muqdisho u nimid. innagoo uu na hoggaaminayo madaxweynaha Koonfur-galbeed, si dowladda iyo maamulka maamlkeenna uu xiriir wada-shaqeyneed u dhexmaro, balse arrintaas waxay ka suurogeli wayday madaxda dowladda.”

C/llaahi Leesto ayaa intaas ku daray in labada mas’uul ee la sheegay inay shirka ku matalayaan maamulkooda ay goor-hore xilka ka qaadeen, kaddib markii ay u arkeen inay yihiin kuwo xagal-daacinaya maamulka.

“Qorshahan lagu sheegayo in lagu mideynayo maamullada dunidana lacag looga cunayo waa kuwo aanay waxba ka jirin, caalamkana waxaan u caddeynaynaa in sababta ay dowladda sidan u sameynayso ay tahay sidii u carqaldeyn lahayd maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol, sida ay dagaallada aan ujeeddada lahayn uga waddo gobollada dalka qaarkood, sida Shabeellada Hoose,” ayuu ku daray hadalkiisa C/llaahi Lesto.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in dowladda Somalia ay tahay inay wax ka qabto dagaallada ka socda gobollada dalka ee ay ciidamadeedu qaybta ka yihiin oo ay ka fogaato carqaladeynta maamullada ay shacabkoodu dhisteen.

“Beesha Calaamka waxaan ugu baaqaynaa in xukuumadda Soomaaliya ay ka fiirsadaan, ayna ogaadaan in dagaallada ka socda degmada Marko ay wadaan ciidamadeeda,” ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday wasiirka.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in maamluka Koonfur-galbeed ee lixda gobol aysan metelin C/fataax Geeseey iyo Shiine Macallin Nuuroow oo xilalka laga qaaday, isagoo madaxda dowladda ku eedeeyay inay lacago siiyeen si ay uga qaybgalaan hagar-daamada maamulkeenna loo maleegayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya