Guddi laga soo xulay Qurbo-joogta Soomaaliyeed oo la kulmay RW Erdogan


Isniin, June 23, 2014 (HOL) — Guddi laga soo xulay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee shirku ugu soo dhammaaday magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa guddiga u sheegay in dowladda Turkigu ay si diirran u soo dhaweynayso ururkan cusub ee meteli doona qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku nool caalamka daafihiisa, isagoo xusay inay jiraan lix milyan oo qurbo-joog Turki ah oo qayb weyn ka qaataan dhismaha iyo horumarka Turkiga.

Qurbo-joogtan Turkida ah ayuu sheegay inay intooda badan ku nool yihiin dalka Jarmalka, isagoo u sheegay Qurbo-joogta Soomaaliyeed haddii ay tusaale ka dhigtaan kuwa Turkiga iyo marxaladihii ay soo mareen ay Soomaaliya wax weyn ka qaban karaan.

Agaasimaha ururkan Qurbo-joogta Soomaaliyeed ayaa waxaa loo doortay, Cabdi Baaruud, waxaana soo xulay sagaal xubnood oo ah guddiga sare ee ururkan, iyadoo sidoo kalena soo xulay ku xigeenkiisa.

Cabdi Baaruud ayaa laga laga soo xulay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Britain, halka ku xigeenkiisana laga soo xulay kuwa ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, iyadoo labadan dal ay yihiin kuwa ay ku nool yihiin Soomaalida qurbaha ku nool kuwooda ugu badan.

Ugu dambeyn, war-murtiyeed ku saabsan shirka Qurbo-joogta Soomaaliyeed ay ku yeesheen magaalada Istanbuul  ee dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in la soo saaro saacadaha soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya