Isniin, June 23, 2014 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta ku sheegay in duqeyn cirka ah ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.
AMISOM ayaa sheegtay in duqeyntan ay ka dhacday deegaannada Caanoole iyo Kudaa oo ka tisan gobolka Jubbada Hoose, ayna ku guuleysteen inay ku burburiyaan qalab ciidan oo ay lahayd Al-shabaab.
“Duqeyntii Caanoole waxaan ku dilnay 30 ka tirsan xoogagga Al-shabaab, saddex gaadiidka dagaalka iyo gaari Land Cruiser ah oo rasaas wadayna waan ku burburinnay waan ku burburinnay,” ayaa lagu yiri warka ay soo sartay Al-shabaab.
Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri: “Duqeynta Kudhaa waxaan ku dilnay 50-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, waana sii wadaynaa inta aan ka saarayno Al-shabaab goobaha ay kaga sugan tahay dalka.”
Ergayga shaqada ka tagaya ee AMISOM, danjire Maxamed Saalax Anaadiif oo ka hadlay duqeynta ayaa ku ammaanay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM inay fuliyeen howlgal lagu guuleystay.
“Ciidamadeennu waxay sii wadi doonaan ugaarsiga Al-shabaab, waxayna ka shaqeyn doonaan in gobolka oo dhan ay ka tirtiraan argagaxisada,” ayuu ku yiri Anaadiif warsaxaafadeedka, isagoo intaas raaciyay. “Halkaan waxaan u joognaa inaan ciidamada dowladda Soomaaliya kala shaqeyno sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nolol wanaagsan. Taasoo keentay inaan Al-shabaab ka saarno deegaanno badan.”
Duqeyntan ayay AMISOM sheegtay intay si wadajir ah uga shaqeeyaan ciidamda dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM. Waxayna intaas ku dartay in Al-shabaab ay ka saareen bilihii u dambeeyay illaa toban magaalo.
Al-shabaab ayaan weli ka hadlin warbixinta ay AMISOM ku sheegtay inay ku dishay 80 dagaalyahan oo xoogaggooda ka tirsan, inkastoo ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay dhowr jeer duqeymo ka geysteen deegaannada ay gacanta ku hayso Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya